Guddoomiyaha KULMIYE Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Xulka Kubadda Cagta Gobolka Awdal

0
45

15094888_1480085665341514_2308153793380111304_n-1

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashax Madaxweynaha xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  kulan casho-sharaf ah ku maamuusay xulka kubadda cagta ee Gobolka Awdal oo isagu ku guulaystay koobkii tartanka gobollada Somaliland ee dhawaan caasimadda Hargeysa lagu soo gabogabeeyey.

Kulanka cashada ah ee uu guddoomiyuhu ku maamuusayey ciyaartoyda kubadda cagta ee gobolka Awdal, waxa ka qaybgalay wasiirro, xildhibaanno, agaasimayaal, madaxda kala duwan ee gobolka Awdal  iyo weliba hoggaanka sare ee KULMIYE.

Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga KULMIYE ee Golaha  Wakiillada ee laga soo doorto gobolka Awdal, ayaa hambalyo iyo mahadnaq u diray ciyaartoyga iyo hawlwadeennada xulka Awdal ee ku guulaysatay koobka, waxaanu tilmaamay inay guushaasi noqotay mid taariikhi ah.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo madasha ka hadlay, ayaa uga mahaceliyey Guddoomiyaha KULMIYE sida milgaha leh ee uu xulka reer Awdal u maamuusay, waxaannu ku bogaadiyey guusha xulka kubadda Cagta ee Awdal ka gaadheen tartankii gobollada dalka.

Xubno saraakiisha xukuumadda ee Gobolka Awdal oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa u hambalyeeyey xulka kubadda cagta ee gobolka Awdal guusha ay gaadheen, iyaga oo dhinaca kalena ka mahadnaqay sida uu guddoomiye Muuse Biixi maamuuska iyo qaddarinta u siinayey xulka Awdal.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, ayaa isaguna halkaas ka sheegay inuu xisbiga KULMIYE mar walba heegan ugu jiro dhiirrigelinta iyo wax-u-qabashada da’yarta dalka, waxaannu yidhi, “Haddaanu nahay xisbiga KULMIYE waxaannu aad u dhiirrigelinaa dhallinyarada  haddii ay xaga tacliinta iyo xagga ciyaaraha tahayba, caawana waanu idinku hambalyeynayaa koobka aad qaadeen, shacabka oo dhammina ciyaar wanaagiinii way idinku tahniyadaynayaan.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna dhambaal tahniyad ah u diray xulka gobolka Awdal, waxaannu yidhi, “Waxaan idinku imi inaan idiinku hambalyeyo guusha aad gaadheen aniga oo ka wakiil ah guud ahaan xisbiga KULMIYE iyo xubnihiisa oo madaxweynuhu kaw ka yahay iyo madaxweyne-ku-xigeenka iyo weliba inta ciyaaraha jecel ee is-dhexgalka jecel ee Somaliland jecel.”

Waxa kaloo uu muhiimada ay ciyaaruhu u leeyihiin is-dhexgalka bulshada iyo kaalinta looga baahan yahay in dhallinyaradu ka ciyaarto, “Ciyaaraha waa la isku dhexgalaa, siyaasadda waa la isku dhexgalaa, dhaqaalaha waa la isku dhexgalaa, hawshaasina idinkay idiin taallaa dhallinyarow raggani way gaboobeene inaad ka korisaan,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here