Guddoomiyaha KULMIYE oo Dalalka Jaarka ugu Baaqay inay Tixgaliyaan Qaddiyadda Madaxbannaanida Somaliland

0
20

muuse-biixiHargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay dalalka jaarka ah ee Gobolka Geeska Afrika inay tixgaliyaan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Muuse Biixi oo lagu martiqaaday xaflad xuska maalinta Qoomiyadaha Itoobiya oo loogu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa shalay, waxa khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee u baahan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax-ka-qabadkooda iyo kaalinta Itoobiya kaga jirto Afrika iyo gobolkaba, waxaannu si gaar ah baaq ugu diray waddamada jaarku inay aqoonsadaan madaxbannaanida qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

“Guud ahaan Somaliland waxay aaminsantahay inay iyaduna nabad iyo horumar ku noolaato, dalalka ay jaarka yihiin iyo caalamka oo dhamina ay nabadgalyo iyo horumar ku noolaadaan, Somaliland waxay aaminsantahay in Geeska Afrika is kaashado isagoo ah dawlado xor ah oo siman.

Somaliland waxay caalamka u sheegaysaa in aanay xaq ahayn oo ay dulmi ku tahay in iyadoo 25 sanno Geeska Afrika iyo calaamkaba wax ku taraysay xagga nabadgalyada, xagga horumarka iyo xagga iskaashigaba in aanay haddana ilaa maanta dawladuhu aqoonsanayn, taa waxay u aragtaa dulmi, waxaanay Somaliland ka codsanaynaa dawladaha Geeska Afrika inay arrintaa dib u eegaan oo ay Somaliland xaqeeda iyo meeqaamkeeda mar labaad eegaan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu ku ammaanay dawladda Itoobiya xasilloonida ay dib ugu soo celisay dalkeeda kadib rabashado xooggan oo ka dhacay meelo ka mid ah dalkaasi bilihii u dambeeyey ee sannadkan, waxaannu yidhi, “Waxaannu aad ugu hambalyeynaynaa Itoobiya inay ka badbaaday dagaalladii ama rabshadihii dhexdeeda laga qaaday dhawaan oo sida uu Safiirka Itoobiya khudbaddiisa ku sheegay ay soo abaabuleen cid cadow ku ah Itoobiya, aad baanu uga xunnahay cidda Itoobiya gudaheeda ka ridaysa fadqalalo, waayo hadday Itoobiya nabad noqonwaydo Somaliland iyo Geeska Afrikana nabad noqonmaayo, sidoo kale cidda qasaysa Somaliland waa cid qasaysa Geeksa Afrika oo dhan, cidda Kenya ama Jabuuti nabadgalo-darro ka samaysaa waa sidaas oo kale.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo uu ammaanay heerka wanaagsan eee uu marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo ganacsigaba, sidoo kalena waxa uu iftiimiyey arrimaha caqabadaha ah ee ay wadaagaan labada dal oo uu ka soo qaatay abaaraha ay sababtay isbeddelka cimilada adduunka ee ka yimi qiiqa ay hawada ku sii daayaan warshadaha dalalka horumaray iyo shaqo la’aanta dhallinyarada oo uu ku taliyey in loo baahan yahay inay iska kaashadaan dalalka Geeska Afrika sidii ay u samayn lahaayeen horumar keena shaqo abuurka da’yarta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here