Guddoomiyaha KULMIYE Oo Hogo-Tusaaleeyey Macnaha Xisbiyada Siyaasadda Iyo Shirribaadda Hortaal Murrashixiinta Tartamaya(Daawo Sawirada)

0
68

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo isugu jira xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan oo loogu wanqalay degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex maanta, taas oo ka mid ah degmooyin cusub oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.

Xafladda oo ka dhacday magaalada Balli Mataan oo sidoo kale ay ka qaybgaleen guud ahaan madaxda saddexda xisbi Qaran ee Somaliland, wasiirro, siyaasiyiin muxaafad iyo mucaaradba isugu jira, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, waxgarad, haween iyo dhallinyaro fara badan, halkaas oo loogu fooladeeyey degmada cusub.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka hadlay degmada Balli Mataan iyo waxyaabaha ay caanka ku tahay, ujeeddada Somaliland u samaysatay axsaabta, murrashaxa raba inuu hoggaamiyo Somaliland iyo shirribaadda hortaal. Waxa kaloo uu halkaasi kaga dhawaaqay qaadhaan uu xisbigu kaga qaybqaatay dhismaha iyo aasaaska horumarka degmada Balli Mataan oo madasha lacag loogu ururiyey.

Khudbaddii Guddoomiyaha oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan;

Xafladda Wanqasha degmada

“Xafladdan wanshaqa degmada Balli Mataan waanu soo dhawaynaynaa, labada magaalo ee Balli Mataan iyo Higlada bal abuurta Ilaahay waxa ka yimi dhakhaatiirta ugu badan, markaa degmo waliba wax bay hiddo u yeelataaye Balli Mataan waxay hiddo u leedahay dhakhaatiirta, hadday degmo noqotay waxay inoo soo saari doontaa dhakhaatiir kale oo badan Insha Allaah.DSC_0651

Xafladda oo dad badani isugu yimi oo kaftan badan iyo duur-xul siyaasadeed ka dhacay, waa madal aad u qurux badan, nin waliba halkan wax buu ku faanay… horta waxa la yidhi ragga ayaa ugu fiican, yaa ugu fariidsan, maanta saddexda xisbi yaa ugu fariidsan, halkan yaa ugu cawaandisan? Kolba waa ninka abtiyaashii dhex jooga.”

Muhiimadda loo samaystay axsaabta siyaasadda

Waxaynu ku jirnaa waa siyaasad, ololihii baana iska socda, xisbiguna haku tartamo barnaamij, labada walaalaha ahina haddii ay laba xisbi kala galaan waa waxa aynu xisbiyada u dhisanay, xisbiyadana waxa aynu u dhisanay waa inaynu qabyaaladda kaga korno oo aynu ummadda midayn ballaadhan uu kala dhex dhigno bari iyo galbeedba, waa in aanay innaga noqon xisbiyadu qaar qabiil iyo gobol yar ku eeg ee ay noqdaan qaar dadka isku xidha. Xisbiga iyo murrashaxuna waa inay la yimaaadaan barnaamij cad oo waxay qabanayaan ah, ninka murrshaxa ah waan in dalku yaqaanaa hore muxuu u galay, berrina muxuu qabanayaa. Markaa waxaynu leenahay xisbiyada waxaynu ku galaynaa barmaamij ah maxaad dalka u qabanaysaa, maxaad u tartay, awooddaadu maxay tahay?

Sifooyinka laga rabo cidda rabta inay ummadda hoggaamiso

“Qofka umadda hor yimaaddaa muraayaddii umadduu hortaagan yahay, qof kastoo isa soo sharraxaana in badan oo dhaliil ahna wuu yeelanayaa, in badan oo ammaan ahna wuu yeelanayaa ee labada waa inuu isku mid u qaataa oo haddii dhaliisha la sheego aannu guban, haddii sacabka loo tumana aanu heesin.”

“Hoggaamiyaha waa la shiillayaa, ninka halkan iskeenaa waa inuu oggolaado dabka in la saaro oo la karkariyo oo umadda inuu u cuntamayo iyo in kale la eegaa.”

Waxtarka xisbigu kaga qaybgalayo Degmada Balli Mataan

“Halkan KULMIYE wuxuu u fadhiyaa xukuumad iyo xisbi, xukuumadda lagama rabo inay halkan kaga dhawaaqaan intaas ayaanu bixinaynaa ee waxa laga doonayaa barnaamijyo waaweyn oo ay degmada ka hirgeliyaan oo adeegyada aasaasiga ah oo aynu ku dabagalaynaa wasiirrada. KULMIYE, anigu  magaalada Balli Mataan waxaan ugu deeqayaa $10,000 (toban kun oo dollar).”DSC_0508 DSC_0510 DSC_0511 DSC_0514 DSC_0519 DSC_0528 DSC_0532 DSC_0534 DSC_0540 DSC_0555 DSC_0576 DSC_0579 DSC_0600 DSC_0611 DSC_0628 DSC_0651 DSC_0733 DSC_0738 DSC_0741 DSC_0743 DSC_0751 DSC_0773 DSC_0774 DSC_0776 DSC_0781 DSC_0784 DSC_0792 DSC_0812 DSC_0818 DSC_0825 DSC_0829 DSC_0884 DSC_0976 DSC_0980

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here