Guddoomiyaha KULMIYE Oo Magacaabay Guddidii Ugu Tirada Badnayd Olollaha Doorashada Ee Gobolka Gabiley

0
202

FIIRO GAAR AH: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaas

 

 

 

Hargeysa(Hubaal)-Guddoomiyaha Xisbiga  talada dalka haya ee KULMIYE ahna Murashaxa   kursiga madaxweynaha ee doorashada madaxtooyada Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalay soo saaray hormadii labaad ee guddiyada ololaha gobollada xisbiga KULMIYE u qaabilsanaan doona doroashada, hormadan oo ah tii ugu tirada badnayd ee gobol ayaa guddoomiye Muuse ku magacaabay gudidii Ugu tirada badnayd ee ololaha doorashada ee Gobolka Gabiley, kuwaas oo ka kooban 24 Xubnood. Sida lagu sheegay wareegto summadeedu tahay Ref. No: XK / XGX / 0042273 / 2017  oo guddoomiyaha ahna Murashaxa KULMIYE Soo saaray waxaa sidoo kale fiiro gaar ah lagu tilmaamay in guddoomiyaha xisbiga ee heer gobol uu noqon doono mishiinka wareejinaya ama gacanta ku haynaya shaqada guddida ololaha isaga oo ku magacaaban xoghayaha guddida ollaha ee isla gobolkaas. Wareegtadan oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa iyada oodhamaystiran ay u dhignayd sidan:

“Ref. No: XK / XGX / 0042273 / 2017 October 8th, 2017

Ku: Xubnaha Guddida Ololaha Ee Gobolka Gabiley =Hargiesa =

Og: Hogaanka Xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Ololaha Gobolka Gabiley Xisbiga KULMIYE.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta [shalay] oo ay bishu tahay 8 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.

Gobolka Gabiley:

  1. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi – Guddoomiye
  2. Kaamil Muuse Geedi – Guddoomiye Ku Xigeen
  3. Axmed Maxamuud Shirwac
  4. Mukhtaar Jibriil Muuse
  5. Axmed Cali Dable
  6. Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib
  7. Bedri Muuse Cumar
  8. Khadar Baaruud Cumar
  9. Cali Sh. Maxamed Cabdi
  10. Xaliimo Mooge Cali
  11. Axmed Muxumed Cumar
  12. Cabdiwaasic Maxamed Yuusuf
  13. Maxamed Axmed Geelle
  14. Cabdi Cumar Diiriye
  15. Cabdirisaaq Aw Muuse Xasan
  16. Guuleed Cabdi Cabdillaahi
  17. Isaxaaq Sh. Axmed Sh. Muxumed
  18. Cabdi Daa’uud Cismaan
  19. Saado Cabdi Kooshin
  20. Sucaad Cabdi Muxumed
  21. Deeqa Aw Muuse Rooble
  22. Haweeya Cabdi Kaahin
  23. Muna Mawliid Warsame
  24. Safiya Cali Aw Axmed

Fiiro gaar ah: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here