Hargeysa:(Hubaal) Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa si rasmi ah u shaaciyey wakhtiga uu qabsoomayo shirweynihiisa Golaha Dhexe oo muddo badan la sugayey, waxana Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi uu Markii ugu horraysay carrabka ku dhuftay in shirweynahaas la qaban doono horraanta Bisha November ee sanadkan aynu ku jirno ee 2015-ka.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo wada-tashi dheer la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa ayaa Xarunta Madaxtooayda kaga dhawaaqay wakhtiga Shirka Golaha dhexe qabsoomayo, isagoo farriina u diray Madaxda iyo taageerayaasha Xisbigaasi una sheegay inay shirkaas u diyaar garoobaaan.