Hargeysa (Hubaal) Alle ha u naxariistee Marxuum Ibraahim Dheere oo Maanta ku geeriyooday Caasimada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxa uu ahaa maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Jabuuti iyo Somaliland. Marxuumku waxa uu ahaa ganacsade Somaliland wax badan taray, tusaale ahaan marxuumku waxa uu ahaa ninkii damaanad qaaday lacagta shillinka Somaliland ee dalka laga isticmaalo, kaas oo saxeexiisu ku yaal, waxa kale oo jamhuuriyada Somaliland saxeexiisa loogu ogolaaday baasaboorka Somaliland leedahay ilaa haatan, iyo waxyaabo badan oo Somaliland aanay dartii u suurto gasheen, sidoo kale waxa uu qayb laxaad leh ka gaystay dhanka ciidanka qaranka Somaliland, oo uu bixin jiray raashinkooda iyo waxyaabaha kale ee daruuriga u ah ciidanka.
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u direy qoyska, qaraabada,asxaabta iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, oo ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Ganacsade Ibraahim Dheere oo Maanta ku geeriyooday Magaaladda Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti. nuqul kamid ah qoraalka tacsidan oo uu Hubaal soo gaadhsiiyay ayaa u dhignaa sidan:
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka tacsiyadaynayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo shucuubta dalalka Somaliland iyo Jabuuti geerida ku timi Alle ha naxariistee ganacsade Marxuum Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta (12/11/2015). Mudane Muuse Biixi waxa uu ku sifeeyey Marxuum Ibraahim Dheere maalqabeen magac ku lahaa guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, isla markaana waxtar fara badan ku lahaa horumarka bulshada ku dhaqan Gobolka, gaar ahaana door wayn kaga jiray dalalka Jabuuti iyo Somaliland. Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE