GUDAHA KA AKHRI: Dhalinyaro Siyaabo Kala Duwan U Cabiray Cawayskii Guddoomiyaha Iyo Isbedelkii Jewiga
Waxaa Uu Si Shakhsi Ah Uga Dhex Sheekeeyey Goobo Ay Dhalinyaradu Ka Shaaheeyaan Oo Mar Keliya Ka War Helay Isaga Oo Dhex Fadhiya Iyo Nuxurka Su’aalo Daran-doorri Ah Oo Ay Ku Boobeen
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa Xalay Cawayskii lagu war helay isaga oo keligii dhex mushaaxaya suuqyada magaalada Hargeysa isla markaana ka shaahaynaya mid kamid ah makhaayadaha ay habeenkii dhalinyaradu ku caweeyaan. Muuse Biixi Cabdi oo ku labisan Macawis iyo go’ Shaal ah isla markaaana aan wax ilaalo ah wadan ayaa xalay abaaro toddobadii fiidnimo [salaadii cishaa’i kadib] si shakhsi ah u booqday mid kamid ah makhaayadaha lagu laydhsado ee suuqa idaacada oo ay waqtigaas ku qaxweynayeen dhalinyaro tiro badan oo kamid ah da’yarta reer Hargeysa. Qaar kamid ah dhalinyarada uu la kulmay Muuse Biixi oo HUBAAL lasoo xidhiidhay xalay cawayskii guddoomiyaha ka dib ayaa ka dareen celiyey booqashadiisa oo ay ku macneeyeen mid aanay filayn In masuul meeqaamkiisa oo kale taagani uu si caadi ah ula soo fadhiisto lana sheekaysto, waxaanay ay sheegeen in ay mar keliya ka war heleen Guddoomiyaha oo kasoo degey baabuurkiisa gaarka oo ay sheegeen in uu gacantiisa ku watay isla markaana uu la soo fadhiistay kuraasta banaanka makhaayada taxnaa ee ay ku cawaynayeen. “Walaal caawa [xalay] abaaro 7:30 cawaysnimo ayaa uu noo yimi Mujaahidku oo aanaan sii ogayn in uu halkan oo kale imanayo, waxaana markii ay dadka meesha fadhiyey ka war heleen in uu guddoomiyihii yahay ay ku soo xoomeen halkii aanu fadhinay oo ay mid mid u gacan qaadeen iyaga oo su’aalo badan weydiiyey sheeko dheerina halkaas ka bilaabanty” Sidaas waxaa yidhi Wiil dhalinyar ah oo magaciisa ku soo koobay Jamaal Ibraahim kaasi oo kamid ahaa dadka meesha fadhiyey ee uu guddoomiyuhu la fadhiistay lana qaxweeyey. Waxaana uu Mr. Jamaal intaa ku daray isaga oo tilmaam ka bixinaya meherrada uu booqday iyo halka ay ku taallo, “ annagu waxaanu fadhinay Makhaayad la yidhaahdo Bar-kulan (Ex. Makhaayada Ina Garow) Oo ku taalla suuqan Idaacadda, una dhaw dhismaha ay Telesom ku leedahay Idaacadda. Halkaas buu noogu yimi, inuu meelo kale soo maray iyo in kalena ma ogi laakiin 7:30 ilaa 8:15 meelahaas buu nala fadhiyey, intaasna guddoomiyuhu si kalgacal leh ayuu noogu sheekaynay annaguna aanu u waraysanaynay”. Mar aanu wiilkan wax ka weydiinay su’aalaha ugu badan ee ay dhalinyarada cawaynaysay ay guddoomiyaha weydiinayeen waxaa uu yidhi “ su’aalo tiro badan ayaa Muuse la weydiinayay oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye haddii aad ku guulaysto doorashada oo aad madaxweyne noqoto ma laga yaabaa in sidan aad dadka booqanayso ama aad noola cawaynayso oo kale laguu arko adiga oo bulshada ku dhex cawaynaya iyada oo aan wax askar ahi kula socon, runtii wuu nooga jawaabay oo wuxuu yidhi dabcan, anigu qof qaloonaya iyo qof dadka ka dhex baxaya ma noqon doono insha allah, sidaas immikaba aan idiin dhex fadhiyo ayaan samayn doonaa insha allah. Run ahaanna Inaad dadkaaga xaallada ay ku sugan yihiin u kuurgasho oo aad ogaataa waa astaamaha lagu garto hoggaanka toosan ee hilinkii loo baahan yahay, inaad bulshadaada dhexgashaana waxay astaan fiican u tahay debacsanaanta shakhsiga han hoggaamiyenimo leh ee hiigsanaya talada ummadiisa uu lexejeclada ka qabo” ayuu yidhi. . Dhinaca kale Mohamoud Ahmed Hirsi oo isna ka mid ahaa dadkii ku cawaynayay maqaaxida ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey HUBAAL waxaa uu ku cabiray dareenkiisa iyo jewigii cawayska guddoomiyaha iyo dhalinta, waxaana uu hummaag ka bixiyey shucuurtiisa “guddoomiye Muuse Biixi Cabdi wuxuu caawa [xalay] nagu soo booqday oo nagula caweeyey muddo mid ka mid ah makhaayadaha ay dhalintu ku badan tahay ee BARKULAN TEA SHOP oo ku taalla degmada 26 June gaar ahaan idaacada ee caasimada Hargeisa, booqashada gudoomiye Muuse waa loo riyaaqayoo la soo dhaweeyey waliba loo muujiyey boholyowga loo qabo inuu dalka majaraha u qabto oo madaxwayne ka noqdo farxada ka muuqatay wajiyada dhalinyaradana waxaad kaaga soo dhexbixi karaayey inuu Muuse haysto taageerada shacabkiisa iyo bulshada reer Somaliland. Jacaylka GudoomiyeMuuse loo hayo waxaad ka dareemi kartaa siday dhalintu ugu riyaaqsanaayeen iyo sida laabxaadhnaanta ah ee ay u soo dhawaynayeen. Lama hilmaami karo kaalinta muuqatay ee uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ku lahaa halkankii dib u xoraynta JSL, dib u dhiskii dawladnimo ee dhidibada loogu taagay qaranka manta taabogalka ah ee qaangaadhay, nabadayntii beelaha iyo dib u soo celintii xasiloonida dalka, dhiskii xukuumadihii xalka u noqday qaranimada Somaliland iyo dhamaan dadaaladii kala duwaanaa ee ay ku timid nabada aynu manta ku naaloonayno. Dhamaan waxyaabahaasi waa abaal ma guuraan ah oo loo hayo Muuse iyo intaa la dedaalka ahaydba, waa falcelin uu manta waajib inoogu leeyahay in lagu maamuuso oo tixgalin lagu siiyo, waana hubaal inuu yahay hayin lagu badhaadhi doono hadii hogaanka dalka loo dhiibo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi”. Ayuu yidhi Mohamoud Ahmed Hirsi