Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan & Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi Oo Afartii Caanno Maal Ee U Dembeeyey U Hoyday Xabsiga
Guddoomiyaha Maxakamadda Maroodijeex Oo Xabsiga Dhigay Qareenno U Dooday Biyo Mareen Danguud Ah Oo Dheega Ku Haya DEERO Mall+ DAAWO SAWIRRADA Dhismaha Dhulkan Oo Dan Guud Ah
Hargeysa (Hubaal)- Garyaqaanno ka tirsan ururka qareennada Somaliland Ee SOLLA ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii ay maxakamadda Gobolka Hargeysa ka codsadeen in xayiraad la saaro dhul biyo mareen ah oo ay shirkadda ganacsiga ee Indho deero Group ay dhisme ka bineysay kaasi oo ku yaalla degmada 26ka June ee magaalada Hargeysa. Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan iyo Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi oo labadooduba ka tirsan ururka SOLLA ayaa Maalintii Labaad ku xidhan rugta Bileyska ee Degmada Ibraahim Koodbuur Kadib markii uu Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Maroodi jeex Axmed Ismaaciil Dalmar bixiyey amarka xadhigooda. Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay xadhigooda, kamana uu hadal guddoomiyaha maxakamaddu balse sida uu wargeyska HUBAAL ka helay ilo wareedyo ku dhaw Maxakamadda Gobolka Xadhigooda ayaa ka dembeeyey kadib markii ay labadan qareen 27kii bishan December oo ahayd Axadii guddoomiyaha maxakamadda gobolka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah shirkaddaasi iyaga oo ka codsaday in ay dhismaha ka socda la joojiyo dhulkaasna la xayiro maadaama oo uu dan guud yahay, dacwadaas oo guddoomiyuhu ka aqbalay warqad u yeedhis ahna [semen] u diray dacweysanayaasha [masuuliyiinta ndho-deero Group], balse maalintii xigtay oo ahayd isniintii ay subaxnimadii ka war dooneen tallaabada guddoomiyuhu ka qaadi lahaa codsigooda, markii ay u tageen ee ay weydiiyeen halka uu wax marinayo uu guddooomiyuhu u sheegay in aanu xayiraad saarayn dhulkaas, taas beddelkeena aanu siinayn warqadda hakinta kiiskooda, markii ay sababta weydiiyeenna ay ku war heleen amarka xadhigooda, sidaasina uu ku xidhay.
Masuuliyiin ka tirsan waaxda garsoorka Somaliland ee heer gobol iyo heer qaran ayaa markii uu soo baxay amarka lagu xidhay labadan qareen ka hawl galay dhexdhexaadinta arrintan iyaga oo isu xilqaamay ergo ay ula tageen guddoomiyaha, hase yeeshee wax natiijo ah kuma ay guuleysan waxaana qareennadii loo dhaadhiciyey oo ay xalay iyo habeen horeba u dhaxeen xabsiga. Dhinaca kale xubno ka tirsan ururka qareennada Somaliland oo guddoomiyaha Maxakamadda Sare ula tegey Ergo ka dhan ah xadhigan ayaa la weriyey in guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed uu sheegay in guddoomiyaha maxakmaadda gobolku ku sifeeyey amarkiisa handadaad ka dhan ah xasaannadiisa iyo maamuuska madax banaannida go’aan qaadashadiisa, sidaasi darteedna ay sii deynta qareennadani ku xidhan tahay shuruud noqonaysa in ay raalli gelin bixiyaan. Balse qareennada la dhaadhiciyey ayaa markii loo sheegay natiijada waanwaantii laga galay xiisadda aloosantay waxa ay ganafka ku dhufteen shuruudda lagu xidhay sii deyntooda iyaga oo asbaabta ka soo yeedhay gudoomiyaha maxakamaddana ku tilmaamay mid aan sal iyo baar toona lahayn oo aan la xidhiidhin xadhiga loo geystay, isla markaana waxaa ay beeniyeen inaanay haba yaraatee wax gabbood fal ah ku samayn guddoomiye Dalmar hase yeeshee ay xadhigooda u arkaan mid lagu dambabasayo gal dacwadeedkii ay u gudbiyeen maalin Axadii, maalin ka hor xadhigooda, sidaasi oo ay tahayna ay tallaabada lagu xidhay ula muuqato mid lagu tirtirayo kiiska ka dhanka ah shirkadda dhulka dhisatay. Qareennadan oo iyaga oo xabsiga ku jira uu wargeyska HUBAAL ku booqday ayaa u sheegay in tallaabadan ay dabada ka riixayaan gacmo labaad iyo saddexaad kuwaas oo ay sheegeen in shirkadda dacweysanaha ah iyo xildhibaanno gollaha deegaanka Hargeysa ahi u xusul duubteen sidii aanu u dhaqaaqi lahayn kiiskaasi.
Dhinaca kale Weriye ka tirsan Wargeyska HUBAAL oo khadka telefoonka kula xidhiidhay guddoomiyaha Maxakamadda gobolka Hargeysa Axmed Ismaaciil Dalmar si uu wax uga weydiiyo khilaafka ka dhex dilaacay maxakamadda iyo ururka looyarrada ayaanay u suurto gelin in uu wax jawaab ah bixxiyo kadib markii uu guddoomiyuhu qaban waayay telefoonkiisa gacanta ee wargeysku garaacay.
Tan iyo markii isku shaandheynta lagu sameeyey waaxda garsoorka Somaliland dhawr bilood ka hor isla markaana meesha laga saaray tiraba masuuliyiin loo aanayn jiray in ay sababaan qallooca caddaaladda waa markii u horeysay ee dhacdadani soo marto Maxakamaddaha heer gobol iyo mid qaran.