Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Lagu Maseeyey Cadceed U Soo Baxday Jilayaasha Caddaaladda Somaliland

0
80

Tallaabo Mar Kale Diirisay  Bulshada Oo  Sagaashankii Maalmood Ee Uu Xilka Hayay Uu Hore U Qaaday Guddoomiyaha Maxakamadda Sare.gudoomiyaha maxkamada sare oo la dhaariyey

Hargeysa (Hubaal):-Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa shalay xoriyadoodii u soo celiyey dhawr iyo toban  arday oo in ka badan shan toddobaad ku xidhnaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa iyadoo dhawr jeer maxkamada  la hor geeyay balse aan wax xukun ah lagu ridin.  Ardaydan oo tiradoodu dhamayd 11 arday ayaa muddo Lix iyo Soddon maalmood ah ku xidhnaa saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, ka dib markii ciidamada boolisku soo qabqabteen dharaarihii ay oognayd xiisaddii jaamacadda Hargeysa ee mudaharaadka sababtay, kuwaas oo amarka xadhigooda la sheegay inuu bixiyey guddoomiyaha golaha sare ee jaamacadda Hargeysa ahna wasiirka wasaaradda qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire. Ardaydan  ayaa xoriyadooda dib u helay, ka dib markii uu guddoomiyaha maxkamadda sare ee dastuuriga ah Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed ka hawl galay siidayn tooda, isagoo ku qanciyey wasiirka wasaaradda qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire  in la sii daayo ardaydan oo qayb ka ahayd tiro arday ah oo aan xidhnayn, balse loo haystay rabshadihii ka dhacay jaamacadda, kuwaas oo xadhigooda lagu raad joogay. Warku waxa uu intaas ku darayaa in sii dayntooda uu guddoomiyaha maxkamada sare damaanad qaaday. Ardaydan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen dugsiga sare ee Aljasiira oo ku yaala degmada Axmed-dhagax, waxana maamulaha dugsigaasi Khadar Xaaji Yuusuf uu sida aanu Hadhwanaagnews.com oo warkan aanu kasoo xiganay sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabadan lagu sii daayay ardayda.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland oo dabayaaqadii bishii Shanaad ee Sanadkan uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilkan ayaa muddadii uu joogay dedaal u galay dardar gelinta waajibaadka waaxda garsoorka, isagoo isla markii goleyaashu ansixiyeen dib u habayn ku sameeyay waaxaha xafiiskiisa hoos yimaada, isla markaana jileyaasha cadaaladda iyo bulshada kala duwan ee Somaliland isu soo dhaweyn ka suuro galiyey.  Waxaana Tallaabadan uu shalay qaaday iyo kuwo kale oo ay  oo ka mid ahayd gabogabaynta kiis sulux ku dhammaaday oo muddo sannado ah ku jiray maxkamadaha, kaas oo uu ku guulaystay xalkiisa ayaa ka mid ahayd ballan qaadyo ay bulshadu dhegaha u raaricisay oo Prof. Aadan Xaaji Cali ka hor sheegay madashii ay labada gole ee baarlamaanku codka kalsoonida ku siiyeen, waxaana goobaha bar kulanka ah ee magaaladda Hargeysa ee dadweynahu ku kulmaan lagu hadal hayaa tallaabooyinka guddoomiyuhu qaaday oo ay dadka qaar ku tilmaameen mid ka turjumaysa cadceed u soo baxday cadaaladda Somaliland oo mudan in lagu boggaadiyo hoggaanka cusub ee maxkamada sare. Halka aragtiyaha qaar ay ka aaminsan yihiin in isbedelkan iyo kuwo kale oo badaniba ay ka mid yihiin waajibaadka guddoomiyaha saaran, balse aanay ahayn wax cusub oo loo nisbeeyo in uu isagu soo kordjiyey. Aragtida saddexaada ayaa iyaduna dadka u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa guddoomiyaha ay ku waafaqeen labada aragtiyood ee hore, balse ay tilmaamayaan inay tahay uun is muujin iyo sidii uu u kasban lahaa dhinacyada ay kiisasku saameeyaan (Muduci iyo Madaacale), iyagoo tallaabooyinka guddoomiyahana ku xidhiidhinaya mid ka mid ah cutubyadda qaanuunka ee ku saabsan ka garnaqa dacwadaha (Win-win).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here