Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee JSL Oo Waddanka Kenya Kaga Qaybgalay Laba Shir Oo Caalami Ah

0
27

Nuxurka Khudbad Uu Prof. Adam Xaaji-Cali Ka Jeediyey Shirka Koowaad + Kulan Gaaban oo ay Wada yeesheen Dhigiisa Kenya Maanta Oo ay Berri Khamiista Ku Balameen

Nairobi (Hubaal) Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee JSL Prof. Aadan Xaaji-Cali Axmed oo hawlo shaqo u jooga dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi ayaa ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka koowaad oo ay soo wada qaban qaabiyeen African Legal Information Institute (AfricanLii), SAFLII (South African legal information institute), University of Cape Town iyo  Kenya Law, isla markaana qabsoomay 12-13 Octorber, ayaa ku saabsanaa dhanka shuruucda iyo doorka ay ka ciyaarto xoojinta dawladnimo sharci ku dhisan iyo maamulka ku dhisan hanaanka asxaabta (Open Law- Africa Conference 2015,  the free Access to Law in deepening  Rule of Law and Democracy). Halka Shirka labaadna uu ahaa shirkii ugu horeeyay ka dhaca Africa kuna saabsanaa isku imaantinkii ugu horeeyay ee si cilmiyaysan looga hadalo Hirgalinta sharciyada Deegaanka si loo xoojiyo maamul wanaaga, cadaalada iyo sharciga Degaanka(1st Africa Colloquium on Environmental Rule of Law –  Towards Strengthened Environmental Governance, Justice and Law), oo ka dhacay Nairobi 14-16 Octoober, waxaana soo qaban qaabiyay  UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tababarka Garsoorka ee Kenya.shirkka nayrobo

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Wadanka Kenya, Dr. Willy Mutunga, ayaa shirka hore ka jeediyey khudbadii furtiaanka oo gudibinaysay fariin ah  in hadii Afrika xaga sharciga isu furto ay khibradooda  is waydaarsandoonaan,isla markaana la heli doono wada shaqayn fiican iyo Cadaalada oo sare u kacda.

Guddoomiyaha Maxkada Sare ee Somaliland,Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed, ayaa isna khudbad ka jeediyey shirkaasi, taas oo gubinaysay fariin ah in Afrika aan isku meel taagnayn laakin wax la kala barankaro sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maxkada Sare ayaa kulan Gaaban ay wada qaateen dhigiisa Kenya, iyagoona ku balamay in ay kulan dheer isugu yimaadaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar, oo Maanta ku beegan si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.

Gebagebadii Shirka hore ayaa waxa la isla qaatay in Dawladaha Bariga Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isaga kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aamada Garsoorka.

Shirka labaad oo ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo ay hogaaminaysay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP Ayaa isna la raynayaa in ay ka soo baxaan qodoba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla ogol yahay.

Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala

http://www.unep.org/delc/worldcongress/workshopsEvents/tabid/105856/Default.aspx

shirka nayrobi-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here