24-kii xubnood ee tababarka loogu soo xidhay 31-kii January wasaaradda cadaaladda oo weli dibad-joog ah
Hargeysa (Hubaal) guddoomiyaha maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa gebi ahaanba ku guul daraystay magacaabista afar iyo labaatan qof oo isugu jiray lix iyo toban garsoore iyo sideed hablood oo ahaa ku-xigeeno xeerilaaliye oo muddo toban bilood ah tababar uga socday wasaaradda cadaaladda Somaliland,afar iyo labaatankan xubnood oo isugu jira rag iyo dumar ayaa waxa tababarka loo soo xidhay 31-kii bishii aynu soo dhaafnay, waxaana ilaa hadda oo laga joogo muddo bil ku dhaw ay xubnahani bilaa shaqo yihiin isla markaana ujeedadii loo tababaray aanay weli ku hawgelin,iyadoo loo baahnaa in isla markii uu tababarku u soo xidhmay xubnahan laga hawlgeliyo maxkamaddaha,balse ilaa hadda aanay hawlgelin isla markaanay dhicin inay xubnahan loo tababaray arrimaha garsoorka bilaabaan shaqooyinkooda.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata gaabis ka yimid dhanka guddoomiyaha maxkamada oo xubnahan tababarka dhamaystay magacaabistooda looga fadhiyay keenay in hal bacaad lagu lisay noqdaan hawlihii iyo dhaqaalahii iyo weliba dedaalkii loo geliyay arrimaha garsoorka afar iyo labaatankan xubnood ee tababarka muddada tobanka bilood ah qaatay oo loo baahnaa in wakhtigan ay ka hawlgalaan maxkamaddaha dalka.
MMC
Hubaal Media Network
Hargeysa……..Somaliland