Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha maxkamada sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa u dhignaa sidan:
Gudoomiyaha Maxkamadasare iyo ta Dastuurga ahi waxa uu uga mahadnaqayaa madadaxwaynaha Jamuuriyadada Somaalilad kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha maxkamada sare iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo Garsoorayaal Dacwadaha dhaqaaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey talooyinkii uu u soo jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada sare iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmaayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh.
Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib u habaynta cadaalada iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo mudo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay una baahan in laga garnaqo.
Garyaqaan
Adam Xaaji-Cali Axmed
Gudooomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga
Ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada