Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Oo Sharraxay Habka Ay Kula Tacaaleen Haliso Caafimaad Oo Goobaha Cilaajyada ah Kasoo If Baxay

0
49

cabdirashiid-beer-geelHargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamuud Beergeel, ayaa sharraxay haliso nololeed iyo kuwo caafimaad oo kasoo kordhay goobaha cilaajyada loo yaqaanno ee dadka dhimirka ka buka lagu xannaaneeyo iyo tallaabooyin ay ku maareeyeen maxkamad ahaan ka hortaga khatarahaas  bulsheed.

Guddoomiye Beergeel oo warbixin sanadeed kooban oo kiisaska maxkamadda degmada gacanteeda soo galay la xidhiidha qaar kamid ah warbaahinta la wadaagay, ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen haliso kasoo kordhay goobaha cilaajyad, kuwaas oo uu sheegay inay gaadheen heer lagu xareeyo dad aan wax dhibaato ah maskaxda ka qabin oo ay dad dano gaar ah lihi waalli aan jirin ka been abuureen, waxana uu yidhi, “Si loo hubsado dadka xarumaha dhimirka furtay ee yidhaahda dadka aanu xiskoodu dhammayn baanu kaantaroolaynaa waxa dhacday dhibaatooyin badan oo dad miyir qaba oo caafimaad qaba ayaa meesha lagu xaraynayaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday dhacdooyinka caafimaadka caafimaadka halista ku ah ee goobahaas lagu arkay, waxana uu yidhi, “Waxana dhacda  in meesha dad dhaxal isku haysa ama ficil kaleba ka dhexeeyo ooh anti isku haystaa intay u tagaan kuwa cilaajka haysta ay yidhaahdaan ninkan noo qabo oo dabadeed qofkii isaga oo iska socda suuqa lagu katiinadeeyo, dabadeedna isaga oo miyir qaba marka dad waalan meel lagula xidho sidiisa ayuu u dhaqaaqayaa, laakiin taas waanu kaantaroollay,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdirashiid Beergeel.

Cabdirashiid Beergeel waxa uu sheegay inay maxkamad ahaan dedaal u galeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen tallaabo kasta oo cilaajyada lagu geyn karo dad caafimaadkoodu caadi yahay, si jiritaanka bulshada iyo fayoqabkeeda loo dhawro, waxana uu yidhi,“Cilaajyada waanu la wada shirnay oo waxanu u sheegnay inaanay qofna iska xidhi karin oo iyaga sharciga la horgeyn doono haddii ay qof shicib wato oo aan la hubsan caafimaadkiisa maskaxeed iska xidhaan oo weliba aanay maxkamaddku ku qancin baadhitaankaas.”

Tallaabada ay maxkamadda degmadu qaadday, ayaa meesha ka saartay iskudayo badan oo ay dad dano gaar ah lihi goobaha cilaajyada ku geyn jireen dad caafimaadkoodu aanu dhibaato qabin si ay dano hoose oo iyaga u gaar ah u gaadhaan, waxana in muddo ah meesha ka baxday cabashada bulshada ee arrintaas ku saabsanayd.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here