Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed,ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda iska leh fulinta iyo dabagalka xukunkii ay maxkamaddu uga soo saartay khilaafka ka taagan xisbiga UCID, waxana uu tilmaamay inaanay garsoor ahaan iyagu shaqadaas lahayn.
Aadan Xaaji Cali oo warbaahinta la hadlay, kadib eedo uga yimi murrshax Jamaal Cali Xuseen, ayaa caddeeyey inay galka xukunkii ay arrinta xisbiga UCID kasoo saareen dib ugu celiyeen ciddii xaqa u lahayd oo ah guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta qaranka,“dacawaddii UCID waxa ay nagaga timi guddida diiwaangelinta ururrada, xukunkoodii uunbaanu wax-ka-beddel iyo kaabis ku samaynay, galkiina iyaga ayaanu ku celinay 5/10/2016 oo uu guddoomiyuhu noo saxeexay, sababtoo ah iyagaa fulinaya, ilaalinaya oo dabogelaya, weyna garanayaan taase maxkamadda uma taallo shirarka axsaabta, diiwaankoodana ma haynno oo waa shaqo iyaga u taalla.” Ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay caddaaladda si weyn u eegeen markii ay go’aanka gaadhayeen maxkamad ahaan, waxana uu yidhi,“markii aanu xukunkaas dersaynay waxanu ku dedaalnay caddaaladda, waayo waxanu eegaynay xeerarka iyo heshiiskii labada dhinac wada galeen, labada dhinacna way aqbaleen oo soo dhaweyeene inay maanta naga daba yimaadaan may ahay.”
Aadan Xaaji Cali waxa uu hoosta ka xarriiqay inaanay shaqada maxkamadda ahayn inay cid raali geliyaan, isla-markaana raaceen shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla,“Maxkamaduhu cidna ma raalli geliyaan, cidna duulaan kuma ahee, cidna khalad ay samaysay iyo masuuliyaddii ay kasoo bixi waayeen intii doontaa haka soo wareegtee uma qabatee wixii qoran ayuun bay raacdaa, annaguna kaasaanu ka duulnay.” Ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali Axmed.
Waxa uu guddoomiyuhu si maldahan u diiday eedo uga yimi garabka murrashax Jamaal Cali Xuseen, waxana uu meesha ka saaray in xukunka maxkamadda loo adeegsado go’aanno dano siyaasadeed ku dhisan, waxana uu yidhi,“Haybadda garsoorka halla ilaaliyo, ciddii go’aanno masiiri ah ama mid siyaasi ah qaadanaysaana maxkamadda meel ay kaga baxsadaan ayaanay ka dhiganin”