Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha ollolaha Iyo Kaanbayka Gobolka Maroodi-jeex Ee Xisbiga WADDANI Marwo Aamin Jirde Faarax (Afay ) ayaa si weyn u taageertay Go’aankii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro qaatay maadan ,kaas oo uu gudoomiye cirro ganafka ku dhuftay in maalina alle hakayeelee aano sinaba u aqbalayn mudo kordhin ay golaha guurtidu u samayeen xukuumadda Siilaano ,waxaan ku bilawda hadalkeeda sidan :-
“Ugu horayn waxaan taageerayaa go’aankii geesinimada lahaa ee gudoomiyaheen Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ka qaaday mudo kordhin ay golaha guurtida xukuumada Siilaanyo u sameeyaan,waxa kale oo aan tageerayaa sidii geesinamada lahayd ee uu u diiday waraaqdii xisbiga KULMIYE soo qoray ee lagu sheegayey in doorashada inay bisha 11 dhacdo”
Dhanka waxay ka hadashay sida fudud ee gudoomiyaha xisbiga mucaarada ee UCID Faysal Cali Waraabe uu heshii mudo kordhineed maata ula saxeexday xisbiga KULMIEYE “waxa keentay in Guddoomiye Faysal uu ogalaado in mudo kordhinta waxa kaw ah in aanu musharax madaxweyne ahayn,mana ogin Guddoomiye Faysal waa Guddoomiye Guurti oo jiifa,ee waxaan leeyahay dad Reer Somaliland Qolqol Joog iyo qurbajoogab in 2016 faysal loo doorto Gudoomiyaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, ilayn odaygu waa samotalis eh oo waa kaa mudo kordhinta ku dhawaaqayee.