“Axsaabta waxaanu Ka Codsanaynaa Inay Warbaahin Gaar Ah Samaystaan Oo Aanay Saxaafadda Madaxa Banaan Kula Soo Galgalan Wararka Ay Baahiyaan”
Guddoomiyaha SOLJA Oo Xisbiga WADDANI U Soo Jeediyey Inuu Warbaahin Gaar Ah Samaysto
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiiyinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa Axsaabta Mucaaridka ah ku dhiirigeliyey In ay Samaystaan hay’ado warbaahinnood oo iyaga u gaar ah, si ay ugu madax banaannaadaan baahinta wararkooda iyo farriimmaha ay taageerayaashooda u gudbinayaan.