Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in diiwaangelinta madaniga ama muwaadinka ee dhawaan xukuumaddu bilowday ay fashilantay oo aanay soconayn.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in aanay diiwaangelinta muwaadinku ahayn mid xalaal ah oo ujeeddada keliya ee laga lahaa tahay in lagu caqladeeyo diiwaangelinta codbixiyayaasha la doonayo in dalka laga sameeyo si loogu galo doorashooyinka soo socda, balse Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa beeniyey in diiwaangelintu fashilantay.
“Diiwaangalintani soconmayso, markii horena wax si hagaagsan oo cilmiyaysan oo qaranimo ah loo samayn, ujeeddada ugu wayn ee laga lahaa waxay ahayd uun in lagu horjoogsado diiwaangalinta cod-bixiyayaasha, hadday tahay wax xalaal ah intaanu sidii diiwaangalinta cod-bixiyayaasha isla eegno oo aannu ku heshiino ayaanu odhan lahayn dadka sidaas yeela, laakiin bahal la tahriibinayey ayey ahayd oo dan laga lahaa, waanay iska fashilantay hadda,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay maanta.
Haseyeeshee, waxa uu xusay in diiwaangelinta muwaadinka la hirgelin doono kadib marka la dhammaystiro qaadashada kaadhka codbixiyayaasha, waxaannu yidhi, “Isha Allaahu markaynu diiwanagelinta codbixiyayaasha qaadanno ayaa qalabka diiwaangelinta muwaadinka la gayn doonaa degmooyinka oo dadka lagu xidhi doonaa shuruudo qofkii guri dhisanaya iyo kii meherad samaysanaya oo dadka lagu khasbaa, laakiin adduunka lama arag wax yidhaa saddex bilood ayaan dalka oo dhan ugu samaynayaa kaadh muwaadin. Hase ahaatee, waa riwaayad dan gaar ah laga lahaa, markaa qofkii iminka qaadan karayaa ha qaato qofkii kalena waxa uu qaadan doonaa marka dambe oo foomka laga buuxin doonaa.”
“Wufuudii caalamka maalmihii u dambeeyey inooga timi waxay isku daba socdaana waa doorashooyinka, waayo doorashooyinkii ayey caalamku arkeen xilkii inaga saarnaa in aynu gabnay oo ku jirto sag-saagnimo, markaad aragto xeerkii la sameeyey oo laayeyba in dooasho ka dhacdo dalka, laakiin Ilaahay mahadii juhdi badan kadib waanagii ku soo celinay waddadii toosnayd. Waxa kale oo taagan arrinta Komishanka Doorashooyinka oo aan ilaa hadda laga gaadhin xal dhammaystiran,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka warramayey waxyaabaha ay ka wadahadleen Safiirka Ingiriiska ee magaalada Nairobi iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku yimi dalka.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay booqasho uu ugu maqnaa dalal dibadda ah maanta, ayaa meesha ka saaray inay istaagtay diiwaangelinta madaniga ahi, isagoo ku hanjabay inuu soo saarayo amar dadka ku khasbaya inay isdiiwaangeliyaan.
“Waxa yaala qalab haddii ay xumadaan qalabkan diiwaangalintu lagu beddelayo, mana filayo in ay jiraan qalab fadhiistay, haddii ay jiraan maan maqal, waxaanan u malaynayaa uun inay tahay dacaayad meelahaas laga soo dhoob-dhoobay. Way hirgashay diiwaangelintu, waanay soconaysaa oo dhamaadka bishan waa la soo saari doonaa Magaalada Hargeysa qofka aan haysan kaadhka dhalashada Somaliland,” ayuu yidhi Md. Warancadde.
Waxa kale oo uu ku hanjabay inuu soo saarayo dhawaan amar dadweynaha ku nool caasimadda Hargeysa lagu xidhayo kaadhka muwaadinka sida in aannu lacag ka qaadan karin xawaaladaha iyo in aannu gaadhi kaxaysan karin, “Sidaa darteed, qofkasta oo reer Hargeysa ah waxaan leeyahay intaanu toddobaadkani kaa dhicin qaata kaadhka dhalashada Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku.
Geesta kale, waxa uu ka hadlay ciidanka ilaalada hawlgallada shidaal-baadhista oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradku walaac ka muujiyeen, isagoo xusay in arrintaasi qayb ka tahay qorshayaal cadawga Somaliland ku doonayaan in aan lagu soo saarin shidaalka, balse laga guulaystay.
“Dhawaan waxa la tababari doonaa ciidanka ilaalada shidaalka (OPU) oo ah kuwo ka duwan waxyaabaha ay sheegsheegaan dad aan garanwaayey cid ay u shaqeeyaan oo dhawaanahan hadallo aan qiimo badnayn ama laga yaqyaqsoodo ka sheegayey telefishannada iyo warbaahinta. Waxa keliya ee inala gudbooni waa in aynu Bisanka u qabanno, dawladda Somaliland waajibaadkeeda kowaad ee saarina waxa weeye inay khayraadkaa ummaddeeda si caddaalad ah oo sinnaan ah iyo horumar ah ugu qaybinno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Wasiir Cali Warancadde.