Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Ee JIIDALI Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyahii Ururka Ee Gobolka Tog-dheer,Kuwo Kalena Magacaabay

0
26

Warsaxafadeed: XILKA QAADIS iyo MAGACABIS

Ururka Dhalinyarada Subeer Awal  ee JIIDALI waxa uu ka Madaxbanaan yahay Axsaabta Qaranka, islamar ahaantaana waxa uu dhiiri Galinyaa Dhaqdhaqaaqyada Horumarineed,siyaasadeed iyo Dhaqan Dhaqaale ee Deegaanada Beeshu ay Dagto.

Markaa Manta oo tariikhdu tahay 1/4/15 Waxa aan Xilkii uu u hayay ka Qaaday Gudoomiyihii  Hore ee  Ururka Dhalinyarada Subeer Awal  ee JIIDALI ee Gobolka Togdheer  Cabdisamad Ahmed Boon.

Jiidali1Markii aan Kala Tashaday Golaha Sare ee Ururka, Waxaanu Go’aansanay in uu Xilkii uu Ururka u Hayay meel ka dhac ku sameeyay, Kadib markii uu Magacii Jiidali u Isticmaalay Go’aan Siyaasi Ah oo aanu Laqabin Ururka Intiisa Kale.

Waxa manta laga bilaabo Ururka  Dhalinyarada Subeer Awal  ee JIIDALI uu u Magacaabay Gobolka Togdheer:

  1. Gudoomiye: Cawil Cabdilaahi Maxamed Samater
  2. Gudoomiye Xigeen: Khalid Jama Ahmed (Caynab)

Waxa aanu ka Rajaynayaa In ay Labadan Xubnood Kor u Qaadi Doonaan Hawlaha Gobolka Togdheer isla Mar Ahaantaana ay Xoojin Doonaan Wadashaqaynta Xubnaha Kale ee Ururka Jiidali ee Togdheer.


ALLAA MAHAD LEH

jiidalii

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here