Guddoomiyaha Ururka Muwaafaqo Nuuradiin Ilkacase Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
40

Hargeysa(Hubaal):-Ciidamada amaanka ayaa goor dhawayd magaalada Hargeysa ka qabtay gudoomiyihii ururka Muwaafaqo  Nuuradiin Ilkacase.  Sida ay baahisay Hadhwanaagnews oo aanu warkan kasoo xiganay. xadhiga gudoomiyaha ururkaas ayaa ka danbeeyey ka dib markii  uu ka qayb galay shir ay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Hargeysa maalintii shalay ku qabteen Hotel Kaah kaas oo ay ka sheegeen inay ka soo horjeedaan heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkadda DP ee balaadhinta dekedda  Berbera.Breaking_News1

Gudoomiye Nuuradiin Ilkacase ayaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee  ku yaala magaalada Hargeysa, mana jiro wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay xadhiga muwaadinkan oo ay soo sareen ciidanka amaanka iyo xubnaha ururka Nafaqaba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here