Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha ururka qareennada Somaliland ee SOLLA Foosi Sheekh Yoonis, ayaa ka jawaabay eedaymo uu u jeediyey Xogyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kuwaasoo ku saabsanaha kiiska dilka walaashii Marxuumad Foosiya Siciid Ayaanle.
Guddoomiyaha SOLLA oo warbaahinta u warramay, ayaa sheegay in qareen kasta sharci u leeyahay difaacida qof eedaysanayaasha maxkamaddala horkeeno, eedaymaha xoghayuhuna yihiin qaar aan ku salaysnayn sharciga.
“Gabadha dambiga dambiga lagu eedaynaayo qareen umaan ahayn, iminkana uma ahi, inkastoo ay iyadu maxkamadda ka hor tidhi, waxaan qareenimo u qabsanaya looyarkaas, iyadana fursadaas lama siin, qareena iminka uma ahi, laakiin wax iga hor joogsanaya ma jiraan, maxkamadda sare inaan ku difaacana xaq baan u leeyaha y oo wax iga hor joogsanaya ma jiraan, waxaas uu ka dagaalamayaana waa xuquuq dastuuri ah.
Haddii uu xooghayuhu sheegay in aanu hortagi doonin xeer-ilaaliyaha guud oo warqada loo soo gudbiyey aanu ku hortagi doonin, xafiiska u gudbiyey bay go’aankeedu u taala ee aniga iima taalo.
Eedaymahan mar walba wuu ii soo jeediya oo dhawaan wuxuu maqaal ku qoray wargeyska Himilo, kaasoo igu eedeeyey inaan qayb ka ahaa falkii lagu dilay Marxuumad Ruqiya Siciid oo ay walaalo yihiin Xogyaha.
Waxa kale oo uu himilo ku qoray in aanu ogolayn inaan qareen u noqdo dadka lagu eedaynaayo dilka marxuumada ay xoghayaha walaalaha ahaayeen, hore ugamaan jawaabin oo inta badan anshaxa xirfadda qareenimo ayaannu ilaalinaa, dacwad maxkamad hortaalana ilaa go’aanka kama dambaysta laga gaadho kama hadalno,” ayuu yidhi Md. Foosi Sheekh Yoonis.
Qareen Foosi waxa uu tilmaamay in sharcigu dhigaayo in kiisaska culus qareeno loo qabto, isagoo xogyaha ku eedeeyey in aanu sharciga si fiican u kala garanayn, waxaannu yidhi; “Shaqada qareenku maaha inuu go’aan gooyo, xaakina maaha, waxa qoraalkiisa iyo doodiisa ka muuqata xogyaha Barlamaanka in aanu kala fahansanayn doorka xaakimka iyo doorka qareenka. Doorka qareenku waxa weeyaan in qof kasta oo dacwad lagu soo eedeeyey inuu difaaco, dawladda ku qasban inay looyaro gargaar sharci ah u qabato, wasaaradda Caddaaladda u qabata oo maxkamadda u qabata, ururka qareennada u qabta, haddii aan qareen loo qaban kiisaska 10 sanno xadhigoodu ka sarreeyo maxkamadaan dhegaysan karin oo sharciga xarimaya.”
“Halkan maanta waxa iigu timid warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,waxaanay ay odhanaysaa Waxa lagaa doonayaa inaad timaado Xeer ilaalinta Guud ee qaranka Jamuuriyada somaliland si waxa lagaga waydiiyo arin xafiiska kuu taala,waxaana lagugu adkaynayaa inaad dhawrto wakhtiga warqadana waxa ku saxeenxan Ku sumaha Xeer ilaaliyaha guud Aadan Axmed Muuse,Sidaad la socotaana waxa jirtay dhacdo fool xun oo ka dhacday magaalada hargaysa taas oo La aasay Gabadh aanu walaalo nahay,Bahda Cadaaladuna way ii xukumeen wixii uu sharcigu ka qabayna way I marsiiyeen.