Guddoomiyaha Ururkii Iftiin Oo Ka Waramay Xaalada Dalku marayo + Baaqna u diray Shacabka Somaliland

0
27

Hargaysa(Hubaal) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Iftiin ee ku Hadhay Madaxtaabashiid Ururada Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye oo Maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa ayaa ka waramay Xaalada dalku marayo Iyo Halka uu ku danbeeyey Ururkii Iftiin.

Waxa uu Sheegay inuu Ururka Diyaar u yahay inuu Saddexda Xisbi ee dalka ka jira uu wada hadal Lafuro isla markaas ku Biiro Kii u Cuntama Sida uu sheegay Guddoomiyahu.

Dhinaca kale waxa uu Soo dhaweyey in wadda hadal lala furro Horjoogaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh waxaana uu ugu Baaqay inuu Nabada Qaato.

 iftin

Ugu Horayn Waxa uu ka waramayaa Halka uu ururkii ku danbeeyey,waxaana uu baaq u diray Tageerayaashii Ururka waxaana uu yidhi. “Ururkii Iftiin la odhan Jiray Dadku way iswaydiinayaan oo waxa ay odhanayaan Halkuu ku danbeeyey,Waxaanan Dadka u sheegayaa Inuu Dardar Cusub Saaxada Siyaasada Lasoo Gali Doono iyo saddexda Xisbi qaran ee ciyaari doona Musharax-Nimada Hogaanka Dalka,Waxaanan Rajaynayaa inaan Iftiimin Doono Cidaanu Sida tooska ah ugu Biiri Doono Saddexda Xisbi.

Guddoomiyihii Hore ee Urur Siyaasadeedkii Iftiin Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye Oo Hadalkiisa Siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.“Waxaan ku baraarujinayaa Dhalinyaradii Ururka iyo Tageerayaashii Ururka Dhamaan meelkasta oo ay joogaanba,Waxaanan Leeyahay Waynu Galaynaa Ciyaartii Sida ugu Dhakhsaha Badan,Waxa Jiray Saddexda Xisbi Masuuliyiin ka tirsan oo aanu wadahadal la Furnay, Lakiin Aanu Noo Dhamaystirmin, Lakiin Imika waanu Furi Doonaa wada Hadaladii Hadaanu dhamaystiro Kuwii Hore iyo Hadaanu Furno Kuwa kaleba, Kolay wixii shacabka u dan ah ayaa anagana noodan ah”Ayuu yidhi

Sidoo kale Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye Waxa uu Baaq u diray Xukuumada Uu Gadh-wadeenka ka yahay Madaxwayna Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaana uu ugu Baaqay.“Baryahan Danbe waxa warbaahinta ka socotay waxyaabo Aan Runtii loo adkaysan Karin, Xukuumada Waxaan Leeyahay Dadkani waa Dad Kaagii Codna Waad ka rabtaa Ee Soo dhaweeya,Waxaanan Kaa rajaynayaa inaad Dabcisid Xadhigan Aad Saxaafada ku haysid,Waxaanan Saxaafadana Leeyahay Xukuumada la shaqeeya wixii Toosin ahna U sheega”

Waxa uu intaasi Raaciyay”Waxaan Asxaabta mucaaradka Leeyahay Wixii Toosin ah ee aad haysaan Xukuumada Miiska ugu sheega Lakiin Warbaahinta Waxba ha ka sheegina, Kolay Maah-Maah Soomaaliyeed odhan jirta Gacmo Bada Jirbay Wax ku gooyaan ee in waxa isla qabtaan ayaa muhiim ah, Sidaas Ayaan usoo jeedin lahaa asxaabta Mucaaradkana, Xukuumada Halkii laga Doonayay May Gaadhsiin waxna way qabatay,Wixii dhimana La toosiya Ayaan odhan lahaa.

Dhinaca kale waxa uu Baaq Soo dhawayn Ah u diray Kooxda La Baxday Khaatumo ee Nabad Diidka ah ee ku sugan Deegaanka Gobolada Bari Siiba Gobolka Sool,Waxaana usoo jeediyay in ay Soo fadhsiintaan Miiska wada Hadalka waxaana uu yidhi.“Waxaan Soo dhawaynayaa Cali Khaliif Galaydh Oo sheegay inuu Somaliland wada Hadal lafurayo,Waxaan Jecelay in La helo Somaliland oo mid ah,Waxaan Jecelay in la helo Khaatumo iyo Gobolada ay sheeganayso oo Somaliland Hoos yimaada,Waxaan Doonayaa in la helo Cali Khaliif oo ka sharaxan Somaliland isla markaasna Hiigsanaya Madaxtinimada somaliland,Waan idin soo dhawaynayaa dalkuna waa dalkiinii Dadkuna waa dadkiinii.

Guddoomiyaha Ururka Iftiim Ayaa Waxa uu sheegay inuu Diyaar u yahay Inuu wada hadal la furo Saddexda xisbi qaran sida uu sheegay si uu u go’aansado Xisbiga uu ku Biirayo isaga iyo Tageerayaashiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here