“Cid Rasmiya Oo Xisbiga Is Casilaad U Soo Qortey Ma Jirto Marka Laga Reebo Sahra-halgan , iyaduna Xil Umey Hayn Waddani Balse…”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ayaa ka hadlay masuuliyiintii muddooyinkii u dembeeyey iska casilayay xisbigiisa kuwaas oo uu ku tilmaamay in xukuumaddu ka dambayso.
Cabdiraxmaan Cirro oo shalay war uu siiyey warbaahinta kaga jawaabayayay eedihii madaxweynuhu u soo jeediyey ayaa uu kaga jawaabay su;aalo ku dhereran istiqaaladaha loo soo gudbiyey, oo ay ka mid ahayd fanaannada sahra halgan waxana uu yidhi “
“Fanaanada Sahra Halgan Mooye cid kale oo is casilaad Xisbiga u soo gudbisay ma jirto, Sahrana waa Ganacsade waxaa la saaray cadaadis oo qofkii WADANI loo tiriyo waxa hadda la saara cadaadis, qolyaha kale ee Xisbiga ka baxay waxba odhan maayo lakiin sida xanta jirta iyo hadalada soo baxaya sheegayaan Xukuumadda ayaa ku lug leh”. Hadalka uu Guddoomiye Cirro kaga dareen celiyay xubnaha xilalka muhiimka ah ka hayay Xisbiga uu hoggaamiyo ee WADANI ee ka dareeray Xisbiga, ayaa laga dheehan karaayay cadho badan oo ka muuqatay wajigiisa iyo weedhahaba.