Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ganafka Ku Dhuftay Liiska Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta ee Ay Xalay Ku Dhawaaqeen Shirguddoonkii Shirweynaha Kulmiye

0
24

Awood ay hawlaha xisbiga Ku soo faro geliyaan oo ay hawlihii guddoomiyaha iyagu ku qaataan oo ay gudi fulineed iyagu ku magacaabaan ma laha”

muuse biixi

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sharci darro iyo wax aanay ogolayn ku tilmaamay Tirada Golaha dhexe iyo Guddida Fulinta ee ay maalintii shalay ku dhawaaqeen Shirguddoonka Shirweynaha Kulmiye.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta ugu waramay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in natiijadaasi ay ahayd mid aan u cuntamayn isaga iyo Xisbiga Kulmiye intiisa Kale.
Waxaanu yidhi “Marka hore waa sharci darro mana ogolin, Xisbiguna ogolaan mayo, Guddida soo saartay (Liiska Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga Kulmiye) waa shir-guddoonkii shirweynaha.
Shir weynaha, Shirguddoonkiisu waxa uu la dhamaadaa shirweynaha, shirweynuhuna laba cisho ayuu ahaa, labadaas cisho ayaanay awoodoodu ku dhamaatay” ayuu yidhi.
Waxa uu inaasi ku daray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi in aanay jirin awood ay shir-guddoonkaas uu wakhtigoodu dhamaaday ay ku soo faro geliyaan awoodaha xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Awood ay hawlaha xisbiga Ku soo faro geliyaan oo ay hawlihii guddoomiyaha iyagu ku qaataan oo ay gudi fulineed iyagu ku magacaabaan ma laha” ayuu yidhi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here