Guddoomiye Muuse Biixi Oo Ka Muquurashada Xildhibaanada Gobolada Selel Iyo Awdal Ee Fadhiyada Golaha Wakiillada Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Golahaasi
Hargeysa (hubaal) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Cabdi ayaa ka hadlay wax ka beddelka xeerka doorashooyinka ee golaha wakiillada oo laga doodadayay golahaasi ayaa gebi ahaanba waxa aan ka soo xaadirin xildhibaannada metalaya gobolada Galbeedka, gaar ahaan gobolada Awdal iyo Selel. guddoomiyaha xisbul-xaakimka kulmiye oo HCTV u waramay ayaa waxa uu xildhibaannadaasi ee fadhiyada golaha ka maqnaa ku eedeeyay guddoomiyaha golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). dhanka kale guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in natiijada ka soo baxda maxkamadda sare ee daaran arrinta muranka dhalisay ee doorashada ay ka xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba ay ku qanacsan yihiin.
Guddoomiyaha oo ka hadlayana halkan ka daawo muuqaalka Video-ga: