Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dawladda Ingiriiska

0
17

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay wefti ay hoggaaminayso Ku-xigeenka safaaradda dalwadda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya hawaanayda la yidhaa Cat Evens oo booqasho ku yimi caasimadda Hargeysa shalay.muuse biixi

Kulanka dhexmaray weftigan iyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweyne ee KULMIYE Muuse Biixi oo uu wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka hadda oo mar labaad u sharraxan jagadan Md. Cabdiraxmaan Saylici, kaas oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada gelinkii hore ee shalay, isla markaana ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, ayaa sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal u ahaa waxa lagaga wadahadalay arrimo badan oo ku saabsan xidhiidhka labada dal, xaaladda siyaasadeed ee wadda, doorashooyinka guud ee lagu wado inay ka dhacaan Somaliland sannadka 2017 iyo hawlaha u diyaargarowgooda ee dhanka axsaabta siyaasadda. Sidoo kale, waxay si gaar ah uga wadahadleen shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee dhici doona 10-ka bishan November 2015 ama badhtamaha toddobaadka soo socda.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu uga warramay weftiga shirka Golaha Dhexe ee xisbiga iyo u diyaargarowgiisa oo maraya meel gabogabo ah, una socda si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka u yaal xisbiga. Waxaannu tilmaamay in cabasho qaar ka mid ah murrashaxiintu ka bixiyeen liiska xubnaha golaha dhexe ay dib-u-eegis ku samaynayso guddi farsamo uu Madaxweynuhu u magacaabay, taas oo shaqadeedu meel wanaagsan oo gabogabo ah u marayso.

Waxa kaloo uu u sheegay in shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE si caadi ah ku qabsoomayo maalintii loogu talogalay ee 10-ka bishan November, wax caqabad ah oo hortaaganina aanay jirin.

Dhinaca kale, Safiir-ku-xigeenka Ingiriiska Cat Evens ayaa dhankeeda sheegtay inay ku dadaalayaan sii xoojinta xidhiidhka labada dal, iyadoo tilmaantay in dawladooda Ingiriiska ay ka go’an tahay sii wadida taageerada kala duwan ee ay siiyaan Somaliland.

Waxay kaloo ay ka hadashay hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashooyinka guud ee Somaliland, waxaanay xustay dawlad ahaan inay aad u rajaynayaan in aanay dib uga dhicin waqtigooda horraanta sannadka 2017, balse hawsha shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ay tahay arrin u taal hoggaanka xisbiga ee maamulkiisa ku shaqada leh.

Geesta kale, warku waxa uu sheegay in weftigan ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa ay kulamo kale ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, xisbiyada mucaaradka, Komishanka Doorashooyinka iyo murrashaxiinta cabanaya ee xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here