Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Safar Ugu Baxay Dalka Marooko

0
31

Hargeysa(Hubaal)Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa u anbabaxay Dalka Marooko ee Galbeedka Afrika, halkaas oo uu kaga qaybgelayo Shirka Hoggaamiyaasha Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika (African Liberal Democratic Parties) oo lagu qabanayo Dalka Marooko.

Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbul Xaakimka Xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ee Talada dalka haya, ayaa maanta ka boqoolay Madaarka Caalamiga ah ee Egal international Airport.

 M-Biixi-So-dhowayn-300x225

Xisbiga Kulmiye wuxuu xubin ka noqday Golaha Dumuqraadiyada Axsaabta Afrika, kaas oo uu xubin ka noqday KULMIYE sanadkii 2012, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ka qaybgalay markii u horaysay shirka Golaha Axsaabta Dumuqraadiga ee Afrika Oct 2012, kaas oo lagu qabtay Magaalada Abidjan ee Dalka Dalka Ivory Coast.

Araweelonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here