Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi U Diry Ehelada Ya Baxeen Laba Marxuum Siciid Cismaan Garas & Dr. Yaasiin Axmed Sulub Oo Diridhaba Iyo Berbera Ku Kala Geeriyooday

0
55

TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

tacsi

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, qaranka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr. Yaasiin Axmed Sulub oo ka mid ahaa xubnihii dhidibada u taagay wada-hadallada u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo oo xalay  oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2017 ku geeriyooday magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan karti badnaa, isla markaana door laxaad leh kasoo qaatay sidii jawi nabadeed looga abuuri lahaa deegaannada Bariga Somaliland, loona turxaan bixin lahaa tabashooyinka ay shacabkaasi tirsanayaan.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Cismaan Garas oo ku geeriyooday magaalada Berbera, laguna aasay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/03/2017. Waxaannu Guddoomiyuhu geeridaasi uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha Md. Yuusuf Cismaan Garas oo Marxuumku walaalkii ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here