Berbera(Hubaal)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Gobolka Ee Saaxil Md. Cali Axmed Kooshin ayaa si weyn u cambaareeyey Xahiga lagula kacay Laba kamida Bahda Saxaafada ee Gobolka Saaxil oo loo Xabsiga loo taxaabay
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Gobolka Ee Saaxil Md. Cali Axmed Kooshin oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si adag u cambaareeyey isla markaasi uu ka dalbaday Xukuumada gaar ahaan maamulka gobolka in xoriyadooda loosoo celiyo Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo Usoo Warami Jiray Royal Tv iyo Oodweyne News iyo Wariye Mubaarig Cismaan Siciid Nirig oo usoo Waramayey Star Tv oo sida uu sheegay Gudoomiye Cali Sheegay in loo xidhay kadib markii ay ka qayb-galeen soo dhaweyn dadweynaha Magaaladaasi Berbera usameeyeen Gudoomiyaha isaga oo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxa Saldhiga dhexe ee Magaalada Berbera ku xidhan labada Wariye ee kala ah Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo Usoo Warami Jiray Royal Tv iyo Oodweyne News iyo Wariye Mubaarig Cismaan Siciid Nirig oo usoo Waramayey Star Tv oo loo haysto sida la ii sheegay soo dhaweyn shalay dadweynaha Magaalada Berbera igusoo dhaweeyeen aniga oo mudo laba Bilooda safar ugu maqnaa magaalada Hargeysa ,”
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Gobolka Ee Saaxil Md. Cali Axmed Kooshin waxa uu sidoo kale ka codsaday G/kuxigeenka gobolka Saaxil oo la sheegay in ay amarkiisa ku xidhan yihiin inuu si degdega xooriyadooda ugu soo celiyo labadaas Wariye isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaan halkan kaga codsanayaa Badhasaab kuxigeenka gobolk oo la iisheegay inay u xidhan yihiin labada wariye inuu xoryadooda usoo celiyo labaadaas wariye “