Hargeysa(Hubaal)- Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Xasan oo maata kula hadlay magaalada Hargeysa qaar kamida Warbaahinta ayaa waxa uu ka waramay waxyaabo badan oo uu sheegay in Xukuumada Kulmiye ee Talada dalka haysa ay kaga aar gudatay Shacabka ku nool Gobolada Dalka Somaliland,taasoo oo uu gobol gobol uga waramay gobol walba wixii lagaga aar gutay gooni uga sheekeeyey.
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Xasan isagoo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “waxan maanta halkan kusoo bandhigayaa aar-goosi balaadhan oo Xukuumada Kulmiye kula kacday dhamaan shacabka Gobolada Somaliland kuwaas oo kala Xukuumadani waxay kaga aar-gudatay Gobolka Sanaag oo aan kasoo jeedo Maamul Xumo sidookale waxay kaga aar-gudatay Gobolka Awdal Cabudhin iyo Cadaalad-daro,Gobolka Maroodi-jeex Xukummadani waxay kaga aar-gudatay in Maalin dhan Madaxweynaha loo xidho wadooyinka oo Gabdhahii reer HargeysaWadooyinka dhexdooda Ambulece-kaku dhex umulaan iyadoo la gaadhsiin kari waayo Cusbitaalkii ay ku dhali lahaayeen”
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Xasan isagoo arimahaasi kasii hadlaaya ayaa waxa uu yidhi”Gobolka Togdheer Xukuumadani Waxay kaga aar-gudatay inay hab-qabiil ku kala qaybiso oo ay iskaga horkeento isla markaana ku ragaadisay horumarkii gobolkaas,Xukuumadani waxa ay sidoo kale kaga aar-goosatay Gobolka Saaxil Laydh la’aan iyo inay Faasaxdo oo iibiso Warshadii laydh iyo Dekadii oo la sheegayo in iyana ay faasaxday,Gobolka Sool iyo Buuhoodle waxa ay kaga aar-goosatay Quwad Milatari iyo Beebee ,” Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Xasan ayaa gabagabadii waxa uu guud ahaan Shacabka reer Somaliland usoo jeediyey inay ka tashadaan aayahooda isla markaana ay u midoobaan sidii dalkan looga badbaadin lahaa dhibaatooyinkaas baahsan ee ragaadiyey guud ahaanba daafaha dalka