Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyahii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay hadhimo sharafeed aad u ballaadhan hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland maadaama oo uu baneeyey xilkii guddoomiyenimo ee Golaasi.
Macalin Axmed oo ka mid ah shaqaalahii lagu bilaabay golaha Wakiilada Somaliland oo muddo dheer ka soo shaqeynaayey golahaasi sida oo kale na la soo shaqeeyey guddoomiyeyaal tira badan oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey casuumaddaas uu guddoomiyahu u sii sameeyey shaqaale weynaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana uu si ballaadhan uu carabka ugu dhuftay in mudadii uu golahaas uu joogay aanu arag guddoomiye ka hoggaamin fiican Cabdiraxmaan Cirro oo uu si aada ugu sifeeyey in uu yahay nin akhlaaq badan oo dadku u wada siman yihiin. “Guddoomiyeyaal badan oo Baarlamaan baan la soo shaqeeyey oo uu ugu horreeyey Xaabsade markaa anigu weligay maan arag guddoomiye ka naxariis badan oo ka akhlaaq wanaagsan guddoomiye Cirro magaciisa Alle ha jiree. Waana arrin uu kaga soocan yahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waa arrin dhaqankiisa iyo dhax-galkiisa bulshadu ba iyo weli ba laab furnaantiisa uu u laab furan yahay dadka ay tahay wax aad iyo aad loo xasuusan karo, waxaana aan rajeynayaa Alle ayaa madaxtinimada bixiyee, haddii kursigaas uu u tartamayaa uu kiisii yahay in akhlaaqdaa wanaagsan iyo wada-jirkaas iyo dadkoo la isku wado uu Alle ku guuleeyo.
Kulankan qado sharafta ahna waan uga mahad-celinaynaa.”.Ayuu yidhi Sheekh Macalin Axmed. Guddoomiye Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu casuumad u sameeyo shaqaale weynaha golahaasi, waxaana uu tilmaamay in uu mar walba la garab ahaan doono shaqaale weynaha golaha.