HUBAAL KA AKHRI: X. Cabdi Waraabe Oo Madal Il-yartu Qabatay Ka Jeediyey Kaftan Aan Turxaan Wadan Oo Dhex Maray Isaga Iyo Saleebaan Gaal- “…..Guddoomiyahayaga Waanu Haasawnay Oo Waxaan Ku Idhi [Saleebaannoow] Magacan Habar Jeclo….”-
Hargeysa (Hubaal)- Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ka mid ah Xildhibaanada ugu da’da weyn Golaha Guurtida Somaliland ahna Oday Ruug Caddaa ah oo ay Somaliland ku dhaadato ayaa madal la isku arkay shalay ka jeediyey hadalo kooban oo guubaabo iyo Kaftan aan turxaan lahayn isugu jira, kaftankaasi oo noqday mid dadkii madasha fadhiyey si weyn ugu sacab tumeen iyaga oo dhammaan qoslaya. Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa kelmad kaftan ah ku bilaabay hadal waano iyo dar daaran ah oo uu shalay ka jeediyay kulan lagu daah furayay Mashaariicda Horumarineed ee sanadkan dalka laga hir gelinayo oo maanta lagu daah furay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Kelmadda kaftanka ah ee Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markii uu carrabka ku dhuftay magaca Beesha Habarjeclo waxa loo wada dhegtaagay waxa ka dambeeya ee uu raacin doono iyo kaftan uu ka sheekeeyay oo dhex maray guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, laakiin markii uu dhameeyay kaftanka, ayaa lagu soo dhaweeyay sacab aan kala go,lahayn. Xaaji Cabdikariin Xuseen oo bulshada ka wacyi galinayay dhibaatada qabyaaladda ayaa hadalkiisa ku bilaabay kelmad kaftan ah oo ay hore isku waydaarsadeen Guddoomiyaha Golaha Guurida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxaanu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen: “Waxaanu haasawnay Guddoomiyahayga oo waxaan ku idhi Waar magacan Habar jeclo maxaa idiin diiday sida kuwa kale illayn lama soo qaado kii kale ee la gudboonaa ee Magaado ahaaye, waxaanu iigu jawaabay Gudoomiyuhu, annaga kaayagu wuu hir galay oo ceeb malaha ayuu igu yidhi, waana runtiisa laakiin ninka maanta Magaado bilaaba waa la garanayaa inuu nin ambaday yahay.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen kaftankaasoo sababay in mar kaliya sacab is qabsado oo masuuliyiin iyo marti sharafba kelmadda Xaajiga lagu soo dhaweeyo sacab. Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa lagu yaqaanaa in uu kaftan iyo hadalo duur xul ah raaciyo inta badan dardaaranada uu ka jeediyo maxfallada lagu soo dhaweeyo ee uu Bulshada kala qayb galo dardaarankana ku siiyo.