America(Hubaal):-Gudomiyahayaasha Gobalada Maraykanka iyo Canada oo kulan iskugu yimaaday ayaa doorasho gacan taag ah ku doortay xidhiidhiyaha Guud ee xisbiga Waddani ee North America Md.Yaasiin Sahal Du’caale.
Kulankan oo ay goob joog ka ahayd Gudoomiyaha USA Marwo Muna fidhin iyo tiro kale oo gudoomiyayaal ah oo ka kala socday gobalada kala duwan ee maraykanka iyo Canada oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha gobalka ALBERTA Cabdi kariin Bakaal , Gudoomiyaha Gobalka Ottawa Cismaan Dalmar Gudoomiyaha Gobalka Toronto Ibraahin Cabsiiye Gudoomiyaha Xisbiga Wadani USA , waxay Xidhiidhiye udoorteen Yaasiin Saalax Ducaale .
Shiran oo ay ka hadleen badi masuuliyiinta gobaladani ka socday waxay amaan iyo hambalyo usoo jeediyeen Xidhiidhiyahan Cusub ee ay udoorteen inuu isku xidho hawlaha xisbiga ee Maraykanka iyo Canada iyagoo ilaahay uga baryey inuu ufudeeyo hawlaha loo igmaday .
Gudoomiyaha USA Marwo Muna Cali Fidhin oo khudbad baraarujin iyo dhiirigalin ah ka jeedisay goobta ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la adkeeyo xidhiidhka ka dhaxeeya Laamaha Maraykanka iyo Canada ee Xisbiga arintaasina uu si wayn uga soo dhalaali doono xidhiidhiyahan Khibrada badan uleh halwaha isku xidhka ee maanta loo doortay waxaanay tidhi iyada oo amuurahaasi ka hadlaysa “ waxa sharaf wayn inoo ah inaynu halkan ku kulano inaga oo ka soo kala kicitinay gobalo fog fog si aynu udoorano xidhiidhiyihii xidhiidhin lahaa hawlaha ina midaysiiyey ee ah hawsha xisbiga Wadani oo aynu ka midaysan lahayn sidii aynu uga midho dhalin lahayn ee aynu guusha ugaadhi lahayn waxan umahad naqayaa Yaasiin Saalax Ducaale oo ah shaqsi hawl kar ah oo loo doortay hawshan xidhiidhinta Laamaha Maraykanka iyo Canada waxaanan ilaaahay uga baryayaa inuu ufudeeyo hawshaas baaxada leh ee loo igmaday inagana waxa laynooga baahan yahay inaynu la garab istaagno hiil iyo hooba “
Gobo gabadii Waxa hadal mahad naq ah soo jeediyey Yaasiin Saalax Ducaale oo loo doortay xidhiidhiyaha Maraykanka iyo Canada waxaanu uga mahad celiyey masuuliyiintii codka aqlabiyada ah ugu doortay inuu noqdo xidhiidhiyaha Labadan dal ee maraykanka iyo Canada isagoona ilahay ka baryey inuu ufudeeyo hawlaha shaqo ee loo igmaday “ waxan umahad naqayaa Gudoomiyahaashan gobalada ee sida sharafta iyo karaamadu ku jirto iigu doortay inaan noqdo xidhiidhiyaha Laamaha maraykanka iyo Canada , waxan ku dadaalayaa inaan noqdo shaqsigiisamayn lahaa xidhiidh aan duugoobin oo dhex mara labada dal iyo laamaha xisbiga ee ku yaala waxaanan ilaahay ka baryayaa in ilaahay hawshaas ii fududeeyo “.