Hargeysa (Hubaal) Gudoomiyaha xururka Shacabiga Dimoqraadiga ee shacabiga Somaliland mudane Ahmed Abdalla ayaa soo dhoweeyay in madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse biixe Abdi inuu ogolaaday furashada iyo isdiiwaangalinta ururada siyaasada ee Somaliland.
Gudoomiyaha xisbiga Shacabiga Dimoqoraadiga ee shacabiga Somaliland mudane Ahmed Abdalla oo la hadlay Warbaahinta Horncable Tv ayaa guul u soo hooyatay shacabiga Somaliland ku tilmaamay talaabada uu qaaday madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi abdi, waxaana uu sidoo kale xusay in talaabadani gundhig ay u noqon doonto mira dhalka qarannimada Somaliland.
Gudoomiyaha xisbiga Shacabiga Dimoqoraadiga ee shacabiga Somaliland mudane Ahmed Abdalla waxaa u tilmaamay in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse biixi Cabdi ku soo beegay xili baahin weyn loo qabay in la diiwangaliyo urarda siyaasada ee Somaliland, tani ay fursad weyn tahay oo ay urarada isu diyaarin karaan hanaanka siyaasada iyo ololaha doorashada dalka Somaliland si beri loo helo hogaamiyaan wanaagsan oo horumarinka Somaliland.
Ugu dambeyntii.
Guddoomiyaha xisbiga Dimoqoraadiga ee shacabka Somaliland Axmed Cabdalla ayaa waxa uu ugu baaqay dhamaan taageerayaasha xisbiga Shacabiga Dimoqraadiga ee Somaliland ee gudaha iyo dibada inay isu diyaariyaan ololaha doorashada Ururada Siyaasada Somaliland.