Guddoomiye Axmed Muumin Seed Oo Tacsi U Diray Ehelada Iyo Dhammaan Shacabka Somaliland Geeridii Ku Timid Taliyihii Hore Ee Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise

0
29

seed-marxuum-faysal

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani sidoo kalena ah guddoomiyaha garabka toosinta iyo caddaalad doonka ee xisbigaasi, Mudane Acmed Muumin Seed, waxa uu isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan garabka uu guddoomiyaha u yahay, tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Gaashaanle Sare Faysal Bare Ciise oo maanta gelinkii dambe ku geeriyooday cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed waxa Marxuumka Alle uga baryayaaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada reer somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

Aamiin……………….Aamiin……………….Aamiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here