Hargeysa(Hubaal) – Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo kuxigeenkiisa 1-aad baashe Maxamed Faarax ayaa maanta feedh iskala daalay kadib markii fadhigii golaha muran ku dhexmaray.
Fadhigii golaha wakiillada ee Maanta
Fadhigii maanta ee wakiillada Somaliland oo uu guddoominayay Guddooyiyaha golahaasi Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen ayaa lagu soo bandhigay mooshin mudaneyaasha muxaafadka ahi ku doonayaan in la meel mariyo go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku doonayay wareejinta Haamaha shidaalka Berbera.
Guddoomiye Cirro ayaa golaha u arkhiyay magacyada 38 mudane oo saxeexay mooshinka, kuwaasi oo 5 ka mid ahi maqnaayeen, waxaanu golaha u sheegay in xeer hoosaadka goluhu dhigayo in mooshinnada noocan ah lagaga doodo kalfadhiga dambee golaha wakiilladda, sidaasna fadhiga maantu ku xidhan yahay.
Haseyeeshee, guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, ayaa makarafoonka u qabsaday Guddoomiye Cirro, isagoo u muuqda inuu ka cadhaysan yahay mooshinka dib loo dhigay. Labada masuul oo muran ku dhex maray Makarafoonka oo midba dhinac haystay ayaa buuq dhaliyay.
Markii Buuqaasi la dejiyay ayaa guddoomiye Cirro golaha la hadlay waxaanu ku yidhi “Guddoomiye xigeenku waa inuu ixtiraamo golaha wakiillada iyo xeer hoosaadka golaha. Haddii golaha wakiilladu yeesho laba guddoomiye, dalkuna wuxuu yeelan doonaa laba Madaxweyne.”
Mar labaad ayuu Baashe Maxamed Faarax Makarafoonka Guddoomiye Cirro ku qabsaday, taas oo sababta is jiidjiidad labada guddoomiye isla sara kaceen, kadibna Guddoomiye Cirro oo aad uga xanaaqay Maamulka golaha ee lagu haysto ayaa feedh u miisaamay Baashe Maxamed Faarax, kadibna Xuurto ku qabtay oo Kursiga ku dul legday, iyadoo taasi sababtay dagaal rasmi ah oo labada guddoomiye dhexmaray golahana buuq ka abuuray.
Intaasi kadib markii la kala furfuray labada guddoomiye ayaa guddoomiye Cirro ka baxay golaha inta uu makarafoonka ka sheegay inuu goluhu xidhan yahay.
Baashe ayaa isna golaha laga saaray, sidaasna waxaa lagaga dareeray hoolka golaha wakiillada, iyadoo sidoo kale dagaalka madaxda goluhu sababay mudaneyaal kala taageersan oo is faro saaray.
Inkasta oo hore loo arki jiray mudaneyaal is faro saara, waa markii u horaysay ee Cirro iyo Baashe isku faro saaraan fagaaraha Shir gudoonka.
Halkan Ka Daawo Jawigii Golaha wakiillada ee Maanta: