“Guddoomiye Cirro Nooma Sheegin Is-casilaaddiisa” Guddoomiye xigeenka 2-aad Ee Wakiillada

0
33

HALKAN KA DAAWO: Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada oo ka jawaabay su’aal laga waydiiyay is-casilaad la wariyay in guddoomiye Cirro maagan yahay

Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Golaha wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed,ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo inta Ogaalkiisa ah warar ku saabsan in Gudoomiye Cirro ka tagayo Jada gudoomiyenimo ee Wakiilada. Waxa uu Cali Yuusuf sheegay inaanu Gudoomiyuhu si rasmi ah waxba ugu sheegin“Dee waxay ila tahay Su’aashaasi in loo jeediyo Gudoomiyaha ayay ku haboon tahay,annaga waxba si rasmi ah nooguma sheegin”ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Wakiiladu.

Mudane Cali Yuusuf Axmed waxa uu dhanka kale ka hadlay Diblamaasiyiin Shir gudoonku kulan la yeeshay oo ka socda Hay’adda Independent Diplamacy “Waxa maanta noo yimid laba Diblamaasi oo ka socda hay’adda la yidhaahdo Independent Diplomat,waana Diblamaasiyiin madaxbannaan waxayna doonayeen inay Somaliland waxbadan ka Ogaadaan” ayuu yidhi Gudoomiye xigeenku.

cali yuusuf axmed

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here