Guddoomiye Cirro Oo Cusbatalka Adna Aadan Ku Booqday Ootto Biixi oo Xanuun u Jiifa

0
81

Hargeysa(Hubaal/Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay Cusbitaalka Edna Hospital ku booqday Siyaasiga Maxamed Biixi Caalin (Ootto), oo toddobaadkii u dambeeyay u jiifay Xaalad Caafimaad.

 Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro markii booqashada ugu tegay Muj. Otto waxa uu IIIaahay uga baryay innuu Caafimaad sarreecana siiyo, kaasoo  ka mida siyaasiyiinta iyo Odayaasha Somaliland, waxaanuu sheegay inay Xisbi ahaan taageero buuxda la garab  joogsan doonnaan, kuna dadaali doonaan sidii loogu heli lahaa dabiib dibaddeed.

cirro oo isbitaalka ku booqday ooto biixi oo xanuunsanaya

Waxa kale, oo uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), in Xisbigiisu uu gacan wayn ka gaysan doonno sidii Maxamed Biixi Caalin loogu qaadi lahaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si halkaas loogu soo daaweeyo Xaaladdiisa Caafimaad oo sida Dhakhaatiirku sheegeen u baahan Cusbitaallada waawayn ee dalalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Djibouti oo kale. Sidoo kale, Siyaasiyiin kala duwan iyo asxaab tiro badan ayaa shala ku booqday Cusbitaalka Adna Siyaasiga Maxamed Biixi Caalin oo xaalad Caafimaad u yaalla Cusbatalkaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here