Guddoomiye Cirro Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Khilaafka KULMIYE iyo Xilliga Shirweynaha WADDANI La Qaban Doono + Video

0
19

Hargeysa(Hubaal) – Guddoomiyaha aqalka wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani, ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib inku dhaw bil oo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay xilliga xisbiga Waddani qabsan doono shirweynihiisa iyo khilaafaadka Kulmiye.

“Waxaan ka xumahay oo aanan ku faraxsanayn khilaafka soo dhex galay xisbiga Kulmiye oo xisbi qaran ah. Waxaan u rajaynayaa khilaafkooda inay xallistaan shirkooduna u qabsoomo. Waxa kale oo naxdin lahayd inay xukumadda ka dareeraan in ka badan 10 wasiir. Xukumaddu waa xukumaddii qaranka xisbigay doonto ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbiga oo waxay masuul ka tahay maamulka dalka. Waxay masuul ka tahay qabashada doorashada, waxay masuul ka tahay nabadgalyada. Runtii arrintaasi warwar badan bay galisay beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradka ah, arrintaas xalkeeduna wuxuu saaran yahay madaxweynaha Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.cirro

Guddoomiyaha Waddani, wuxuu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan ammaankooda iyo nabadgalyada. Waxa uu Kulmiye u rajeeyay sidii ay arrimahooda u dhammaysan lahaayeen. Waxa uu sidoo kale sheegay in cidii ka baxda xisbiga Kulmiye uu u furan yahay xisbiga Waddani inay yimaadaan.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay xilliga xisbigiisu qabsan doono shirweynihiisa wuxuu yidhi “ Xabsashada xisbiga shirkiisu ma foga. Waxaan isleeyahay sanadku intaanu dhammaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horraantiisa Inshaa Allah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here