Guddoomiye Cirro Oo Galab-carrow Ku Galay Guriga Salaadiinta Subeer Awal Iyo Magacyada Qoor-weyntii Beesha Ee Kulanka Xaadirka Ku Ahayd

0
42

Waxa la isla Qaatay In Meel Looga Soo Wada Jeesto Saldhigga Militeri Ee Madaxtooyadu Tuurta Ku Siddo, Waxana Loo Ballamay In Arrintaas La Iska Kaashado

 Capture

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa galab-carrow ku galay aqalka ay magaalada Hargeysa ka deggen   Salaadiinta  beesha Habar Awal, waxana uu halkaas kula kulmay salaadiin iyo siyaasiyiin miisaan culus oo uu arrimo xaasaasi ah kala hadlay.

Kulankan oo shalay gelinkii dambe dhacay, ayaa sida uu wargeyska Hubaal  xogta ku helay waxa uu guddoomiye Cirro guriga kula kula kulmay siyaasiyiin iyo salaadiin iyo saraakiil ciidan  oo dalka miisaan weyn ku leh oo ay kamid  yihiin, Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhego-weyne, General Maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif, Ciise Curaagte, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Suldaan Shariif iyo xubno kale, waxana ay dhinacyadu ka hadleen arrimo masiirka dalka iyo dadkaba saamayn weyn ku leh oo loo arkay inay mudan yihiin wakhtigan.

Ujeeddada ugu weyn ee kulankan, ayaa ahayd sidii looga arrinsan lahaa saldhigga la doonayo in jujuub lagu mariyo labada gole ee dawladda Imaaraadku doonayso inay Berbera ka hirgeliso, waxana wakhti dheer la gorfeeyey istaraatiijiyadii saldhiggaas lagaga hortegi lahaa iyada oo laga turjumayo rabitaanka shacabka.

Xogta aanu hayno, ayaa sheegaysa in gorfeyn iyo hogo-tusaalayn dheer kadib uu guddoomiye Cirro si cad u ballan qaaday in isaga oo kaashanay mudaneyaasha golaha, gaar ahaan kuwa xisbigiisa ka tirsan uu intii karaankiisa ah hor istaagi doono saldhiggaas, isla-markaana ku dedaali doono inay golaha wakiilladu taariikh dalka waxtar u leh sameeyaan marka heshiiskaas la hor keeno.

Salaadiintii kulanka ka qaybta ahayd iyo weliba siyaasiyiintii, ayaa iyaguna ballan ku qaaday inay qaybooda ka qaadan doonaan sidii saldhiggaas looga hortegi lahaa, maadaama ay u arkaan inaanu wax faa’iido ah ugu fadhiyin qaranka, isla-markaana uu horseed ka noqon karo colaad cusub oo uu dalku galo.

Xubnaha kala duwan ee xildhibaanada labada gole, ayaa iyagana loogu baaqay inay ka taxadaraan saldhigaas xukuumaddu dabada ka riixayso, isla-markaana u dhug yeeshaan masiirka umaddooda iyo dhaxalka dambe ee looga tegayo da’yarta soo kacaysa.

 Lama garan karo waxa uu kulankan oo guuxiisa si weyn loo dareemay ka tari doono abaabulka xoogan ee madaxtooyadu ugu jirto inay meelmariso saldhigaas, balse waxa la hubaa inuu soo kordhayo mucaaridada laga soo horjeedo saldhigaas oo ay xukuumaddu ku sheegtay mid dalka faa’iido badani ugu jiro.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here