Fadhigii golaha ee shalay oo u baaqday kooram la’aan, eedaymo mudanayaasha mucaaridka iyo muxaafidku isku jeediyeen iyo baaqa Guddoomiye Cirro u diray bulshada
ansixintii Komishanka cusub oo mugdi gashay iyo muranka wakiillada oo meel xun maraya + mudanayaasha mucaaridka oo ku keliyeystay fadhigii baaqday ee shalay
Madaxweyne-ku-xigeenka oo lagu eedeeyey inuu gurigiisa ka maleego khilaafka kala qaybiyey Golaha Wakiillada
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xidhay fadhi aan caadiga ahayn ee goluhu yeelan lahaa muddo laba maalmood ah, kaasoo qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo Komishanka Doorashooyinka cusub, laguna dhegaysto khudbadda Wasiirka Maaliyadda ee Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2015, kadib markii fadhigaasi kooram la’aan u furmi waayey Axaddii shalay.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa warbaahinta u sheegay shalay in mudanayaasha muxaafidka ah diideen inay ka qaybgalaan fadhigii golaha ee shalay, isagoo ku eedeeyey xukuumadda inay hawshaas ka dambaysay, loogana dan leeyahay in lagu carqaladeeyo qabsoomidda doorashooyinka sannadka 2015 si muddo-kordhin loogu sameeyo.
“Xildhibaannada yimi oo mucaarad iyo muxaafad ba isugu jiraa waa kuwo waajibkooda Dastuuriga ah gudanaya, xildhibaanada naga maqanna waan ka xumahay inay naga maqnaadaan oo maqnaanshahooda fadhigu u qabsoomi waayo, sidaa darteed kal-fadhigii aan caadiga ahayni sidaas buu ku dhammaaday. Waxaan isku soo noqonaynnaa kal-fadhiga caadiga ah 8-da bisha 11aad,” ayuu yidhi Md. Cirro.
“Waxay ila tahay dastuurkeennu si cad ayuu u qeexayaa in aanay is farogelin karin sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorku, markaa farogelinta xukuumaddu kuma cusba Golahan (Wakiillada), tii (xukuumaddii Rayaale) horena way soo farogalisay, tanna (xukuumadda Siilaanyo) waydinkaa arkaya faragalinteeda, laakiin mudanayaasha ayuun buu xilku saaran yahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in golaha sharaftiisa iyo karaamadiisa aannu ilaalinno, waajibka dadku inoo doortayna fulinno.”
Waxa kaloo uu sheegay in fadhiga furmi waayey shalay ee ay ku keliyeysteen mudanayaasha mucaaridka oo kooramka buuxin waayey ay sabab u yihiin mudanaasha muxaafidka ah, kuwaasoo uu xusay in xukuumaddu ku dhiirigelisay in aanay ka xaadirin si aan loo ansixin xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo goob-joog ku ahaa xarunta Golaha Wakiillada, diyaarna u ahaa in la ansixiyo sida qorshuhu ahaa.
“In doorashada dib u dhigayso arrintani waa marag ma doon. In badan ayaannu lahayn doorashada ayaa dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in shacbigu indhahooda furaan, intana (mudanayaasha muxaafidka ee fadhigii shalay ka baaqday) ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayay doorashada iyo diiwaangalinta, waayo hay’adda Komishanku waa hay’addii ka masuulka ahayd doorashada, markaa haddii aynnu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye?” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo bogga uu ku leeyahay mareegta facebook ee dadweynuhu ku xidhiidhaan ku baahiyey qoraal gaaban xalay, waxa uu xukuumadda u soo jeediyey in ay ixtiraamto heshiisyada xisbiyada iyo daneeyayaasha caalamka ee doorashooyinka Somaliland.
“Nasiib-darro waxa maanta (shalay) baaqday ansixinta Xubnaha Guddida Doorashooyinka oo Golaha Wakiilladu u ballansanaa, kadib markii xildhibaannada taageera xukuumadda KULMIYE ay ka maqnaadeen Golaha.
Waxaan filayaa inay ka dambaysay shirkii shalay (maalintii Sabtida) ka dhacay guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Mr. Saylici.
Waxa marag-ma-doon ah in xukuumaddu u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha doorashooyinka si muddo-kordhin loogu sameeyo. Haddii ay doorashadu dhici weydo waxa dhaawac weyn soo gaadhayaa geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo qaddiyadda Somaliland.
Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa inay ixtiraamto heshiisyadii axsaabta qaranka iyo is-afgaradkii dawladaha la saaxiibka ah Somaliland ee innaga taageera doorashooyinka iyo in la dhowro kala-madax-banaannaashaha waaxyaha dawladda.
Shacabka waxaan u soo jeedinayaa inay markhaati ka noqdaan ficilada xildhibaannada iyo xukuumadda KULMIYE ee xaalad abuurka ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro ku yidhi qoraalkiisa.
Dhinaca kale, mudanayaasha muxaafidka oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay inay Guddoomiyaha ka codsadeen in la baajiyo fadhiga golaha si xal looga gaadho khaladaadka ku jira xeerka diiwaangelinta muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha oo nuqulkii Golaha Wakiilladu ansixiyeen mid aan ahayn loo gudbiyey Guurtida, taasina keentay inay ka xaadiri waayaan fadhigii golaha ee shalay.
Xildhibaannada muxaafidka ah waxay soo badhigeen qoraal 13 mudane saxeexeen oo ay Shirguddoonka Wakiillada u gudbiyeen 23 October 2014, kuna dalbadeen hakinta fadhiga aan caadiga ahayn ee golaha.
Qoraalkaas oo faahfaahsan waxa uu u dhignaa sidan: “Annagoo ah xildhibaannada Golaha Wakiillkada Jamhuuriyadda Somaliland ee magacyadoodu hoos ku saxeexan yihiin, isla markaana tixraacayna go’aankii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhigii qabsoomay maalintii taariikhdu ahayd 30-ka September 2014, halkaasoo 64 mudane cod gacan-taag ah ku oggolaadeen, laguna ansixiyey xeerkii xukuumaddu soo gudbisey ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha ee xeer Lr. 37/2007 oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah:
Qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey,
Talo-bixintii Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiillada, iyo
lifaaq go’aamo ah oo goluhu isla qaatay
ü Annagoo isla qirnay xadgudub lagu sameeyey go’aankaas kor ku tilmaaman ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha ee Xeer Lr. 37/2007, iyadoo markii xeerka loo gudbinayey Golaha Guurtida tirtiris, wax-ka-beddel iyo wax-ku-daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyey.
ü Annagoo isla qirnay xeerka wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha ee xeer Lr. 37/2007 inuu muhiim u yahay hawlaha dimoqraadiyadda iyo muwaaddinimada.
ü Annagoo tixrgelineyna ku dhaqanka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeer- hoosaadka Golaha oo labaduba tilmaamaya in Golaha Wakiilladu u gudbin karo Golayaasha Guurtida iyo xukuumadda wixii goluhu go’aansaday.
Haddaba, asbaabaha aan soo sheegnay dartood, waxaannu soo jeedineynaa in la hakiyo shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyuhu ku baaqay 25 October 2014 ilaa inta laga saxayo wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha ee xeer Lr. 37/2007.
Magacyada mudanayaasha qoraalkaas saxeexay waxay kala yihiin; Cadiraxmaan Cismaan Caalin, Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Maxamed Jaamac Cabdi, Cali-barre Maxamed Aadan, Farxaan Maxamed Cali, Ibraahim Carraale Cabdi, Cali Obsiiye Diiriye, Axmed Barkhad Obsiiye, Maxamuud Jaamac Warfaa, Xasan Cawaale Caynaan, Axmed Xaaji Jaamac Cilmi, Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe iyo Maxamuud Axmed Obsiiye.”
Haseyeeshee, shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa diiday soo jeedinta mudanayaashaasi ku dalbeen in fadhiga la hakiyo, isagoo guddoomiye Cirro ku adkaystay fadhigii shalay u furmi waayey kooram la’aan, kaasoo qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Fadhiga Golaha Wakiillada waxa ku keliyeystay dhawr iyo toban mudane oo dhammaantood ku abtirsada xisbiga WADDANI oo uu guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Cirro, kuwaasoo ku guul-daraystay inay isku keenaan mudanayaasha kooramka buuxin kara si goluhu ugu furmo, halka mudanayaasha muxaafidka oo ah aqlabiyada goluhu ay gaaf-wareegayeen xarunta baarlamaanka.
Lama oga go’aanka qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hawlaha dimoqraadiyadayntu ka qaadaan doonaan khilaafka sababay in Golaha Wakiilladu furmi waayo, kaasoo la doonayey in lagu ansixiyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha, arrintaasoo ahayd shardi caalamku ku xidheen bixinta faahfaahin la xidhiidha taageeradooda doorashooyinka, kadib markii ay guddoomiyeyaasha saddexda qaran kula shireen magaalada Nairobi toddobaadkii hore.