Ankara,(Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay jawaab adag ka bixiyay inuu la kulmay ama xidhiidh la sameeyay socota Somalia, isla markaana wuxuu daadafeeyay inuu diiday inuu la kulmo ardayda reer Somaliland ee ku sugan dalka Turkiga.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ku sheegay qoraal lagu baahiyay shabakadaha internet-ka wax ku qora, waxaanu yidhi “ Wararka ay iga qoreen qaar ka mid ah warbaahintu, waxaan u arkaa wax caadiya, maadaama oo aan ahay siyaasi maalin kasta way dhacdaa. In intaa soo been abuur ah oo ay qoreen dad sheeganaya saxafiyiin ama dad kale, laakiin ma fiicna in qof lagu eedeeyo wax aanu shaqo ku lahay, qof kasta oo wax qorayaana waa in uu hubiyo waxa uu qorayo inuu yahay wax ku salaysan xaqiiqda.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Sidoo kale, Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inuu kulan la qaatay Ardayda Somaliland ee Magaalada Ankara, waxaanu yidhi Guddoomiyuhu “Waxaan aad ugu farraxsannahay in aan kulan la yeesho, ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga, maadaama oo aan ka soo qaybgalay xuska loo sameeyay boqol guuraddii dalka Turkiga inaan ardayda reer Somaliland kulan la sameeyo, waxay muhiim u tagay dhiirigelinta ardaydeenna iyo sida madax iyo mijo-baa la isugu xidhan yahay qaran ahaan iyo dawlad ahaan.”
Guddoomiyuhu wuxuu hadalkiisii sii raaciyay “Ardayda aan la kulmay waxaanu iska waraysanay
arrimo badan oo ku saabsan xaalada waxbarasho ee Ardayda , muhiimada iyo sharafta ay qaranka reer Somaliland ku leeyihiin ardayda dibadda wax ugu soo baranaysaa.”