Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo soo jeediyey in doorashada madaxtooyada oo aan mid kale lagu lammaanayn lagu qabto xilliga loo muddeeyey
“Waxa aanu u soo jeedinayana xukuumadda in laga fogaado is xoog xooga amma kala maroorsiga waajibaadka waaxyaha qaranka”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukuumada uga digay in wax carqalad ah lagu sameeyo xilliga loo qoondeeyey in diiwaangelinta cod-bixiyuhu ka qabsoonto dalka, si doorashooyinku u dhacaanka muddada loo cayimay ee badhtanka sannadka 2015.
Md. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Hargeysa loogu qabtay siyaasiyiin xisbiga WADDANI ku biiray shalay, waxa uu ku baaqay in doorashada madaxtooyada kelideed la qabto xilliga loo muddeeyey, iyadoo aan doorasho kale lagu lammaanayn.
“Waxaynu dhammaan ognahay haddaynu nahay shacabka Somaliland dhibaatada ka dhalan karta doorasho bilaa diwaangelin ah. Doorashadii ugu dambaysay ee golaha degaanka waxaynu ku galnay bilaa diiwaangelin, waxaanna ka dhashay khasaare badan, sharcigu siduu sheegayo doorashada ka hor waa in la sameeyo diiwaangelin, waxa maanta inoo diyaar ah oo laga soo shaqeeyey in si tijaabo ah laba gobol looga bilaabo diwaangelinta cod-bixiyeyaasha bishan aynu ku jirno 20-keeda, waxaynu u baahanahay si aanay innooga xumaan diiwaangelintu sidii tii hore in axsaabta qaranka, shacabka iyo xukuumaddu ka wada qaybqataan. Waxa aannu ka digaynaa carqalad kasta oo laga horkeeni karo diiwaangelinta, iyadoo diwaangelinta rasmiga ah dalka ka bilaabmi doonto bisha September ee sanandkan 2014, waxaanna ku xigi doona haddii Ilaahay yidhaa doorashaddii. Annagoo rajaynayna in doorashaddu ku dhacdo waqtigeeda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI.
Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku soo jeediyey in wax laga beddelo qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaannu yidhi; “Haddii aannu nahay xisbiga WADDANI, waxaannu soo jeedinaynaa in doorashada ka hor qaab-dhismeedka Guddida Doorashooyinka wax laga beddelo, waxaanad ka warqabtaan in Komishanka doorashooyinku ka kooban yihiin toddoba xubnood, kumana filna xil gudashada waajibaadka doorashada oo 6 ka mid ah waxay tagaan gobollada, waxa ku soo hadha xarunta mid kaliya, markaa waxaynu u baahanahay inaynu kordhino, waxaannu soo jeedinaynaa in laga dhigo 9 xubnood. Waxa kale oo aannu soo jeedinaynaa in xisbi kasta soo magacaabo 3 xubnood, taasina waxay inoo fududaynaysaa in komishanku xilkiisa qaran si wanaagsan u guto. Waxaannu soo jeedinaynaa doorashadda madaxweynaha in sidii kuwii hore loo qabtay kaligeed lagu qabto waqtigeeda.”
Guddoomiye Cirro waxa uu xukuumadda u soo jeediyey in ay shacabka uga warranto, talana laga siiyo sababta loo xidhay xuduudaha waddamada jaarka ah, waxaannu ku tiraabay; “Waxa aad baryahan maqlayseen in la xidhay xuduudaha dalalka aynu jaarka nahay, xukuumadu tolow miyey innooga warantay arrinkaas? Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland hadday dhacdo sida haddaba dhacday in la xidho xuduudaha Somaliland in shacabka looga waramo oo loo sheego, talana laga siiyo, shacabku wuxuu xukuumadda ka mudan yahay in ay warbixin saafiya ka siiso.”
Waxa kale oo Guddoomiye Cirro ugu baaqay xukuumadda inay joojiso awood maroorsiga xilka dastuuriga ah ee waaxda Xeer-dejintu leedahay, isagoo ku eedeeyey in ay xeer samayso, isuna ansixiso, waxaannu yidhi; “Waxaan ka warqabnaa dastuurku wuxuu kala xadeeyey waajibaadka amma xilalka Waaxaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban Waaxda Garsoorka, Waaxda Xeer-dejinta iyo Waaxda Fulinta, mid walbana wuxuu siiyey waajibaad gaar ah.
Xeer-dejintu ma dabiqi karto garsoor, mana noqon karto fulin, Fulintuna ma qaban karto, garsoor, mana qaban karo xeer-dejin, laakiin baryahan dambe waxaynu ka maqlaynay qalabka warbaahinta in xukuumadda Somaliland ay xeerar samayso, haddana ay isu ansixiso, taas macnaheedu waxa weeye waxay xad-gudub ku keenaysaa kala xadayntii waajibaadka waaxaha qaranka, awalba siday ahayd marka xeer la dejinayo 90% iyadaa soo gudbisa xeerka, waaxda xeer-dejinta ayaanna loo soo gudbin jiray, markay ansixiyaan ayaa Madaxweynaha loo gudbiyaa si uu u saxeexo, marka kadib ayuu noqonayaa xeer dhaqan gelaya.
Waxa aannu u soo jeedinnaynaa xukuumadda in laga fogaado is xoog xooga amma kala maroorsiga waajibaadka waaxyaha qaranka,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaleeceeyey xadhig ay kula kacday xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Berbera iyo Burco oo uu ku tilmaamay in ay xad-gudub sharci tahay, waxaannu yidhi; “Waxa kale oo aad baryahan maqlayseen mudanayaal ka tirsan golayaasha la doortay, gaar ahaan golayaasha deegaanka oo la xidhay oo Berbera iyo Burco lagu xidhay, taasi waxay bilaabaysaa xad-gudub sharci. Mudanaha la doortay wuxuu leeyahay xasaanad, ilaa xasaannada laga qaado mudanaha lama xidhi karo, markaa waxaannu ugu baaqaynaa hay’adda fulinta iyo dhammaan hay’adaha fuliya shuruucda in aan falkaasi soo noqon. Waayo, waa xad-gudub sharci.”