Guddoomiye Cirro Oo Maanta Shacabka Reer Boorama Kala Qayb-galay Xuska Munaasabada 18 May

0
30

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Golaha Wakilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weliyo Guddoomiye ku-xigeenk 1 Aad ee Xisbiga WADDANI Axmed muumin Seed iyo weliba masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI,ayaa maanta shacabka ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka AWDAL ee Borama kala qayb-galay munaasabada xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May 2015,iyagoo saaka ka hor intii aanay tegin khayriyada Magaalada Boorama ee munaasabada xuka 18 May ka dhacaysey, socod lug ah ku maray suuqyada Boorama isla markaan ka quraacday muqaaxi yar oo ku taala Badhtamaha magalaalada Boorama.

rty

Dhanka kalene Guddoomiya Cirro oo haddal kooban uga jeediyey khayriyada Boorama dad weynaha ku dhaqan magaalada Boorama,ayaa ugu horayn hambalyo u diray shacabka reer Somaliland Ciidamad kala duwan ee Qaranka Somlailand ku dhaato,isagoo si gaar ahna ugu mahad naqay shacabka reer Boorama,waxaanu ku booriyey guddoomiye Cirro inay nabad-gelyada illaashadaan,

khudbadii guddoomiye Cirro munaasabad xuska 18 May ka jeediyey Boorama  oo koobnayd ayaa u dhignaa Sidan:-

“Sida aad u xusteen maalinta Qaranka waxay ka farxinaysaa shacabka reer Somaliland waxay ka nixinaysaa cidkasta oo aan Somaliland jeclayn, Qaranimada weynu wada leenahay,Dowlad-nimada weynu wada leenahay, Dalka weynu wada leenahay”waxay ila tahay midno Qaran ayaynu u baahnay ee muddo-kordhin u maynu baahnay.”Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here