Guddoomiye Cirro Oo Markii U Horreysay Muddeeyey Goorta Rasmiga Ah Ee Uu Ka Degayo Kursiga Guddoonka Golaha Wakiillada

0
42

“Faysal [Halka Aanu Iska Seegnay Waxay Ahayd] Annagu [Cahdigii Uu UCID Ka Tirsanaa] laba jeer ayaanu sharraxnay,  dabadeena waxa uu jeclaystay in mar saddexaad aanu haddana sharaxno,  dabadeed Waxaa Nala Haboonaatay In….”

Abdirahman-Ciro-Wadani-2016127

Hargaysa(Hubaal)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro)ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee uu iska casilayo xilka guddoomiyaha golaha wakiilada. Cabdiraxmaan Ciro oo ku sugan dalka jarmalka ayaa dhinaca kale bulshada u fasiray sababta keentay in xisbigiisa iyo isaguba ka soo horjeestaan saldhiga millatari ee xukuumada Somaliland ka siinayso dalka imaraadka magaalada berbera. Ugu Horayn guddoomiyaha golaha wakiilada waxa uu shacabka Somaliland u shaaciyay wakhtiga uu banaynayo guddoomiyaa golaha madaama oo la mudeeyay wakhtiga doorashadda madaxtooyada la qabanayo. “Waa Run Oo Doorashadii in badan ayay dib u dhacday imika uunbaana la cadeeyay xiligii ay doorashadu dhacaysay,markaas insha allaahu markaan noqdo shacbiga waan u sheegayaa markaan ka dagayo guddoomiyaha baarlamaanka”.sidaas ayuu yidhi guddoomiye cirro  oo waraysi siiyay Tv-ga Horn Cable, waxaana uu intaas ku daray su’aal kale oo laga waydiiyay sababta keentay inuu hadda cadayn waayo inuu xilka ka dagayo ayaa waxa uu yidhi. “aniga oo jarmal jooga cadayn maayo lakiin marka aan wadankii tago ayaan cadayn doonaa”. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay inuu si cad uga soo horjeedo saldhiga millatari ee imaraadka laga siiyay magaalada berbera waxaana uu yidhi. “wadanka aynu saldhigan siinay waxa uu Somaliland u keeni karaa dagaal aynaan faraha kula jirin in faraha loo galiyo taas ayaanu ku diidanahay.ayaa yidhi cabdiraxmaan ciro oo hadalkiisa siiwatay. Sidoo kale waxa uu ka jawaabay in xisbigiisa waddani ay ka dhex jiraan waxa looga yeedho mus-danbeed waxaana uu si kooban u yidhi “Arrinkaas mus-dembeedka waxa allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan”. Gebogabadii waxaa uu Mr. Cirro Markii U Horreysay ka jawaabay Halkii ay isku seegeen saaxiibkiisii siyaasadda ee ay Xisbiga
UCID Wada aasaasen, markii dembena uu khilaafka siyaasi dhex maray Waa Faysal Cali Waraabe’e. waxaana mar uu Mr. Cirro ka hadlayay halka ay iska segeen guddoomiyaha UCID. “Faysal laba jeer ayaanu sharraxnay dabadeena waxa uu jeclaystay in mar saddexaad aanu sharaxno, markaas intaas ayuun buu ahaa [halka  aanu iska seegney],   dabadeedna annagana waxa nala haboonaatay markaas inaanu xisbigii u dayno oonu xisbi kale abuurno”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here