Guddoomiye Cirro Oo Quus Iyo Rajo Xumo Ka Muujiyey Aqoonsi Somaliland Ka Hesho Caalamka

0
23

Hargeysa  (Hubaal)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cirro), ayaa quus iyo rajo xumo ka muujiyey aqoonsi Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Guddoomiye Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha WADDANI ee doorashada soo socota ee madaxtooyada, waxa markii ugu horreysay ka hadlay mowqifka xisbigiisa ee ku wajahan xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la yeelatay dalka Taiwan iyo wadahadallada Soomaaliya.

Md. Cabdiraxmaan Cirro oo khudbad ka jeediyey shirweynaha 2-aad ee xisbiga WADDANI oo ka furmay caasimadda Hargeysa maanta, waxa uu ku dooday sheegay in aanay Jamhuuriyadda Somaliland lahayn siyaasad dhanka arrimaha dibedda ah, sidaa darteedna ay adag tahay in la aqoonsado.

Waxa uu sheegay in sida kaliya ee Somaliland ku heli karto aqoonsi ay tahay inay la saaxiibto dalalka quwadaha waaweyn.

“Si loo ictiraafo Somaliland waa inaan waqti iyo dadaal badan gelinnaa, xidhiidh dhowna Somaliland la yeelataa xubnaha ku jira Midowga Afrika.

“Ictiraafka Somaliland ka maarmi maayo in la helo dawlad ka mid ah dawladaha waaweyn oo ka tirsan Gola Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee leh diidmada qayaxan ama Veto Power-ka oo Somaliland taageerta,” ayuu yidhi.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay xoojiso xidhiidhka Shiinaha, isagoo dhaliilay xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan.

“Waxaan soo jeedineynaa in xukuumaddeennu wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dal weynaha Shiinaha oo gobolka ka wada horumar ballaadhan.

“Aqoonsiga Somaliland wax badan innooga tari mayso dawlado aan la aqoonsaneyn sida Taiwan,” ayuu ku yidhi.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in xisbigiisa WADDANI ku dadaali doono wadahadal uu la sameeyo dawladda Soomaaliya.

“Xisbigayagu wuxuu u arkaa in wadahadalku yahay mid ka mid ah fureyaasha ictiraafka, sidaa darteed waan sii wadi doonnaa ka midhodhalinta wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha 2aad ee xisbiga WADDANI oo ka furmay magaalada Hargeysa maanta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here