Guddoomiye Cirro Oo Sharci-Darro Ku Sifeeyey Heshiisyada Xukuumaddu Gasho Haddii Aan La Marin Golaha Wakiillada

0
35

Guddoomiyaha WADDANI oo caddeeyey in aanay xisbiyada mucaaridku aqbali doonin muddo-kordhin ka badan waqtiga Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka

“Ummadda ayeyna cay ku tahay in la yidhaahdo Somaliland ayaa la iibinayaa ama la xaraashayaa, waxayna ila tahay go’aankaa shacabka cid beddeli kartaa inaanay jirin” Cabdiraxmaan Cirro oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Hargeysa

CIRRO

Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hogaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caddeeyey in heshiisyada xukuumaddu gasho gasho yihiin sharci-darro aan waxba ka jirin haddii aan laga ansixin Golaha Wakiillada oo dastuurku awood u siiyey arrintaas.

Guddoomiye Cirro oo ka soo laabtay safar uu ku joogay dalka Turkiga shalay, si ballaadhanna loogu soo dhaweeyey madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi; “Heshiisyada xukuumaddu gasho, haddii uu heshiiska dekedda Berbera yahay iyo heshiis kale haddii aannu soo marin Golaha Wakiillada wuxuu noqonayaa heshiis sharci-darro ah oo aanay waxba ka jirin.”

Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sidoo kale ugu baaqay Golaha Guurtida Somaliland inay tixgeliyaan, isla markaana sharciyeyaan muddada sannadka ah ee Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka.

“Golaha Guurtida waa astaan qaran, waxayna ku suntan yihiin inay Somaliland khilaafka u beddelaan khilaaf la’aan. Waxay ku suntan yihiin inay colaadda u beddelaan nabad, waxaad ka war qabtaan doorashadii sannadkii 2010 dhacday in asxaabta iyo xukuumaddu ku heshiin kari waayeen sannadkii 2009 in maalin doorashada lagu daro, waxaad ka war qabtaan in taariikhda markii ugu horaysay dawladdo aynu saaxiib nahay ina dhex galaan, oo ahaa Itoobiya iyo dalka Ingiriiska oo inala gooyaan wahtiga doorashadu dhacayso. Nasiib-wanaag sannadkan Komishanka ayaa inoo jaray muddada doorashooyinku dhacayaan, asxaabta ayeyna la tashadeen, xukuumadana way wargaliyeen, beesha caalamku way ku raacday, waxay ila tahay shaqadii ay guurtidu qaban lahayd way u fududeeyeen, filina maayo in Golaha Guurtidu heshiiskaa dhexmaray asxaabta, komishanka iyo xukuumada ee beesha caalamkuna ku raacday inay beddelayaan khilaaf in la abuuro, waxaanan u soo jeedinayaa Golaha Guurtida inay ku dhaqmaan oo ictiraafaan heshiiskaa qaran ee ay gaadheen xisbiyada, xukuumada iyo komishankuba, waxan Ilaahay uga rajaynayaa inay sidaa yeeli doonaan oo magacooda kor u qaadi doonaan, dalkana aanay khilaaf u keeni doonin. Xisbi ahaan iyo mucaarad ahaanba waxa naga go’aan ah in aanan aqbalin waqtigaas Komishanku goyeen waqti ka duwan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sidoo kale uga mahadnaqay beesha caalamka taageerada ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxaannu yidhi; “Beesha caalamku waxaad moodaa inay aad u dannaynayso Somaliland, wayna inagu soo noqnoqotay, waxayna inagula taliyeen in aynu doorashooyinka qabano sannadkan 2015, waxayna yidhaahdeen waxa ku jira magaciina iyo kalsoonida dunidu idin siisay, hase yeeshee waxa lagu kala tagay markii ugu dambaysay in la sugo wixii Komishanka Doorashooyinku soo saaraan, waxaanan is leeyahay Komishanku wuu ku dhawaaqay xilligii ay qabanayeen diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo wakhtigii doorashadaba, beesha caalamkuna inkastoo ay inagula talisay oo ay jeclayd inaynu qabano doorashada 2015, waxay haddana taageertay go’aanka ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka ee ay xisbiyaduna aqbaleen, iyaguna inagu taageereen, waxaanad ka warqabtaan in (beesha caalamku) ay 70% ilaa 75% ay bixinayaan kharashka ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanan qabaa in danteennu ku jirto in aynu raacno tallooyinkooda oo ay inaga mudan yihiin in aynu u mahadnaqno.”

Waxa kaloo uu Guddoomiye Cirro sheegay in Komishanka Doorashooyinku ka mudan yihiin shacabka Somaliland ammaan iyo mahadnaq, waxaannu yidhi; “Guddida doorashooyinka qaranku muddo yar bay jireen, marka la eego hawshooda waxay qabteen hawl badan, waxayna sameeyeen dedaal badan, waxay gooyeen wakhtigii la qaban lahaa diwaangalinta iyo wakhtiga uu soo bixi lahaa liiska kama dambaysta ah, waxan isleeyahay wada-tashi badan bay siiyeen asxaabta iyo xukuumadda inta aanay soo saarin soo jeedinta (xilliga doorashooyinku dhacayaan oo ah 1 June 2016) waajibkoodii si wanaagsan bay u guteen, waxaanay iyaguna inaga mudan yihiin inaynu shacbi ahaan iyo asxaab ahaanba in aynu u mahad naqno.”

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa tilmaamay in qaddiyadda Somaliland tahay mid shacbi oo ku timi afti dadweyne, cid wax ka beddeli kartaana aanay jirin, waxaannu yidhi; “Somaliland magac iska baxay maaha ee Somaliland waa talo iyo go’aan shacbi, waana afti qaran, kaasoo ah go’aan Madaxwayne, xukuumadda iyo Baarlamaan midna waxba ka beddeli karin, waanna go’aan aanan anniguna waxba ka beddeli karin, ummadda ayeyna cay ku tahay in la yidhaahdo Somaliland ayaa la iibinayaa ama la xaraashayaa, waxayna ila tahay go’aankaa shacabka cid beddeli kartaa inaanay jirin,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, isagoo intaas ku daray; “Anniga shaqsiyan waxan isleeyahay Somaliland lagaaga biqi maayo, waxan isleeyahay haddii aanan gaadhsiin ba karin shacbigayga himilada ay doonayaan wakhti iskaga maan qaadeen in aan u tartamo hoggaanka dalka, waxaanan is leeyahay shacbigaaga waxa aad ku hoggaamin kartaa himilada ay doonayaan.”

Waxa kaloo uu sheegay in xisbiga WADDANI yahay rajada Somaliland, isla markaana dadweynuhu ka ilbaxeen dacaayado iyo shugux-shugux loo tumo.

“Xisbiga WADDANI waa rajada Somaliland ciddii doontaa wax ha ka sheegtee, waxa aan is leeyahay waa xisbi hankiisu yahay inuu dalka ku hogaamiyo nabad, ictiraaf iyo horumar, dadka reer Somaliland way ka ilbaxeen shugux shugux kolba , dadka shacbiga ah ee reer Somaliland-na way ka ilbaxeen shugux-shugux kolba cid u tunto, doorashadii ayaana soo dhawaatay oo Xawlal-mariidka ayey maraysaa, waxaanad moodaa in qaar is leeyihiin beenta iyo borobogaandaha ayaa lagu kala badinayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.

Guddoomiye Cirro ayaa meesha ka saaray warar qaar ka mid ah saxaafaddu ka qortay safarkiisa uu ku tagay dalka Turkiga iyo warqad la sheegay inuu u qoray dalka Finland, arrimahaas oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen been-abuur laga faafiyey, waxaannu yidhi; “Beenta la iga qoray waxa u dambeeyey warqad ay yidhaahdeen; ‘guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa u qoray dalka Finland, waxa aan leeyahay warqadaas annigu maan qorin, berigii hore been ayaa la qori jiray, laakiin hadda waxay soo gaadhay in waraaqihii qaranka la been-abuuro, malaha mararka qaar mid run u eeg ayaa la sheegayaa, laakiin ninka warqadaas qoray muu dhammaysan buugga koowaad ee luuqadda Ingiriiska, hal jumlad oo sax ah kumay jirin, waxa kaloo la yaab leh haddii uu Ingirisii ka dhigayba, dhammaadka warqadaas waxa lagu qoray magacayga oo Afsoomaali ah iyo Allaah Mahad Leh oo Soomaali ah, taasina waxay marag u tahay in wixii hore ee ay iga qori jireen ay been tahay, warqadan hadda la sameeyeyna ay been-abuur tahay.”

Waxa kaloo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro sheegay in hore sidan oo kale laga faafiyey warar been-abuur ah oo lagu sheegay inuu dalka Jabuuti la galay heshiis aanay waxba ka jirin, isagoo ku baaqay in la kala saaro wararka dacaayadaha ah ee laga faafiyo isaga iyo dawladaha la saaxiibka ah Somaliland, waxaannu xusay in aanay jirin dawlad shisheeye oo taageero siisay xisbiga WADDANI, isla markaana dhexdhexaadiyey isaga iyo cid kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in safarka uu ku tagay dalka Turkigu la xidhiidhay arrimo caafimaad, balse muddada uu dalkaas joogay kulano la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, kana wadahadleen arrimo khuseeya qaddiyadda Somaliland iyo sidoo loo xoojin lahaa xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Turkiga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here