Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inuu Nairobi U Joogo Ka Faa’iidaynta Fursado Xukuumaddu Dayacday, Xisbiga KULMIYE-na Dhaliilo Culus u Jeediyey

0
37

“Wasiirraddii ay ahayd inay  abaarta ka hadlaan waxa ay ku mashquulsan yihin inay  Muuse Biixi u olaleeyaan oo ay dhinac socdaan oo ay dadka usoo ururiyaan, laakiin annagu olale uma jeednee, waxanu u jeednaa inaan dalka u gurmanno oo shacbiga u gurmanno”  guddoomiye Cirro

cirro

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyey safar la dhaliilay oo wafti uu hoggaaminayaa ku joogaan caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi.

Guddoomiye Cirro oo muuqaal uu warbaahinta ugu talo galay halkaas kasoo diray, ayaa dhaliilay xukuumadda haatan talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE, waxana uu tilmaanay in olole la bilaabay xilli abaar darani ka jirto gobollo badan oo dalka ah.

Waxa uu ugu horrayn taataabtay asbaabta ay u joogaan magaalada Nairobi, isaga oo shaaca ka qaaday inay xukuumaddu ka gaabisay doorkoodii la xidhiidhay wada-shaqaynta iyo soo jiidashada beesha caalamka,“Waxanu dareemaynaa in xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE-ba ay ka gaabiyeen farriimihii ay gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka, gaar ahaan in loosoo gurmado abaaraha, annaga oo gudanayna waajibaadkaasna waxanu dhammaan waddamadii aanu la kullanay gaadhsiinay farriin adag oo la xidhiidha araabaha Somaliland ka jira iyo weliba arrinta naxdanta badan ee  ah xidhitaanka xoolaha nool ee Somaliland u ahaa halbawlaha iyo laf-dhabarta dhaqaalaha, waxana aanu qabnaa inay taasi qofkasta oo muwaadin ah waajib ku tahay, marka la iska daayo xisbi” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxa uu dhaliilay safarro ay dhawaanahan xisbiga KULMIYE ku marayeen gobollo dalka kamid ah, waxana uu sheegay inay ahaayeen arrimo olole la xidhiidha xilli adag oo dadku abaaraysan yihiin, waxana uu yidhi,“waxa la yaab leh in masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyada oo intaas oo abaaro ahi jiraan ay muddadii ugu dambaysay ku mashquulsanaayeen olole siyaasadeed, waxana aad ka warqabtaan safarradii ay ugu baxeen Bariga, waxana ay samaynayeen meelkasta calan bay is hor wadeen iyada oo shacabkii harraad u dhimanayaan, waxana ay ku gubbanayeen wixii laga ururiyey shacbiga reer Somaliland ee ay guddida abaaruhu ururiyeen, iyaga oo ka dhigaya wax shacbiga uu KULMIYE u keenay, arrintaasina arrin shacabka murugo gelisay bay ahayd.”

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah u duray dhiggiisa KULMIYE iyo weliba wasiirro xukuumadda katirsan, waxana uu shaaciyey inay arrimo aan wakhtigan muhiim ahayn ku mashquulsan yihiin,“shacabka reer Somaliland waxan u sheegayaa inuu farriintoodii xisbul-xaakimku ka gaabiyey, Muuse Biixi-na maalinna isaga oo abaar ka hadlaya maynaan arag, wasiirraddii ay ahayd inay ka hadlaana waxa uu ku mashquuliyey inay isaga u olaleeyaan oo ay dhinac socdaan oo ay dadka usoo ururiyaan,waxayna ila tahay in ololahana la iskugu iman doono, laakiin annagu olale uma jeednee, waxanu u jeednaa inaan dalka u gurmanno oo shacbiga u gurmanno” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Hadalka guddoomiye Cirro, ayaa ka dambeeyey dhaliilo uu dhawaan u jeediyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo salka ku hayey safarada aan macnaha badan lahayn ee xisbigaas wakhtiga badan geliyo iyo weliba magacaabista safiirro aan sharciga waafaqsanayn oo uu dalalka qaarkood u magacowdo xisbiga WADDANI, xilli ay weli dibadda ka joogaan taladii wadanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here