Guddoomiye Cirro Oo Shir Qarsoodiya Ku Caasumay Mid Ka Mida Beelaha Bariga Hargaysa

0
23

Hargaysa(Hubaal) Waxa hotelka Kaah ee bariga magaalada Hargaysa Xalay ka dhacay shir uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, u sameeyay islamarkaana uu ku casuumay mid ka mida Beelaha Dega Bariga Magaalada Hargaysa shirkaas oo uu gudoomiyahu ka codsaday beeshana uu u sameeyay martiqaadka inay difaacaan oo ay is garabtaagaan Gudoomiyenimadiisa Aqalka Wakiilada Somaliland, iyo Go,aankii uu dib ugu celiyay madaxweyne Siilaanyo Warqadii laalista Haamaha Shidaalka Berbara.Cirro-iyo-golaha

 Shirkan ayaa yimi ka dib markii uu guddoomiye Cirro ku war helay in Golaha wakiilada laga wado oo ay Xukuumadu qaban qaabineyso Mooshin lagu ridaayo isaga kaas oo la filaayo in Maalinta Bariya la horkeeno fadhiga golaha wakiilada Somaliland,mooshinkan oo si xooga caawa looga dareemay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

 Goob jooge ku sugan Hotelka uu shirku ka socdo oo ka gaabsaday magaciisa ayaa Wakaalada Gobanimonews.com u xaqiiyay shirkan isaga oo xusay in Gudoomiye Cirro uu beesha ugu baaqay in hadii Golaha la horkeeno oo ay xukuumada iyo xisbiga kulmiye isku dayeen inay fadhiyada golaha keenaan mooshin isaga lagu ridaayo ay sameeyaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan mooshinkaasi islamarkaana ay taageeraan isaga.

 Shirka Xalay uu Gudoomiye Cirro iskugu yeedhay beesha Degta Bariga Magaalada Hargaysa Ayaa ku soo beegmaaya wakhti uu socdo dhaq dhaqaayo ku salaysan mooshin ka dhan kursiga Gudoomiyenimo ee Aqalka Wakiiilada Somaliland,ilaa hada oo uu socdo shirku ma jiro wax ay Beesha iyo Gudoomiye Cirro isku afgarteen balse shabakada gobanimonews.com ayaa isku daysa xaqiijinta xogta ka soo baxda shirkaasi ku salaysan nidaamka beelaysan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here