Hargeysa-(Hubaal):-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo safar shaqo ku joogay Magaalada Burco, ayaa si ka deg deg ah uga soo baxay Magaalada Burco Habeenkan Caawa ah.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay u soo boqooleen Xarunta Dalka ee Hargeysa, Safarkan Guurada ah ee uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Caawa kaga soo Ambabaxay Burco ayaa ka dambeeyay ka dib markii Galabta ay Xukuumadu ka kaxaysay askartii ilaalada ee Xarunta Baarlamanka Somaliland,islamarkaana ay keentay askarta gaarka ah ee SPU/RRU
Xukuumada Siilaanyo ayaa isku diyaarinaysa in Maalinta Sabtida ah ay si xoog ah Xilka uga Qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.
Safarka Degdega ah ee uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Waftigiisu kaga soo baxeen Magaalada Burco ayaa waxa uu ku lug leeyahay Xaalada ku soo korodhay Golaha Baarlamanka oo maalinta Sabtida ah laysugu balansan yahay kalfadhi xasaasi ah