Guddoomiye Cirro Oo Xaaraan Ku Tilmaamay Heshiiska Saldhigga Berbera, Qoraalladii Labada Aqal La Hor Keenayna Ku Sheegay Qaar Madbacadda Qaranka Lagu Soo Daabacay

0
26

“Wixii golaha la keenay horto heshiis ma ahayn horena waan u sheegay imikana waan ku celinayaa, aniga oo muwaadin ah oo guddoomiye xisbi ah oo musharrax madaxweyne ah uma arko inuu saldhigaas militeri faa’iido u leeyahay Somaliland..”Gudd. Cirro.

Waxa la doonayaa in dariiqii saxda ahaa la mariyo, waxana meesha la keenay waraaq aan u malaynayo in madbacadda qaranka lagu soo qoray, xataa Af soomaali buu ahaa,

cirro

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha wakiillada, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), halkiisa kasii wada naqdinta iyo diidmada uu kala horjeedo saldhigga militeri ee Imaaraadka laga siiyey Berbera, kaas oo ay labada gole dhawaan ansixiyeen.

Guddoomiye Cirro oo habeen hore ka qayb-galay munaasib uu qabsaday Telefishanka HCTV, ayaa si cad u sheegay inaan wax heshiis ah oo lala galay la hor keenin labada gole, isla markaana uu distoorku hay’adaha qaranka kala siiyey awoodo aan isku qasnayn oo kala soocan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wixii golaha la keenay horto heshiis ma ahayn horena waan u sheegay imikana waan ku celinayaa, xukuumaddana Distoorkaa awood u siiyey inay heshiis gasho, lamana xaddidin oo nabadglyo iyo mid dhaqaaleba way geli kartaa, laakiin shaqada waa loo kala soocay hay’adaha qaranka.”

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sharraxaya, ayaa sheegay inay sharci-darro tahay in goleyaasha sharci-dejinta la horkeeno nuxur sida ay xukuumadduba sheegtay, waxana uu yidhi, “Xukuumaddu markay heshiis soo gasho kadib ayey keenaysaa Baarlamaanka ka horna ma aha, nuxurna keeni mayso oo meel uu nuxur ku yaallaa ma jirto, waana loo diidi karaa, waana loo oggolaan karaa.”

Waxa uu sheegay in xukuumadda loo oggol yahay inay heshiis gasho, isaga oo intaas ku daray in qoraalka nuxurkii labada gole la hor keenay lagu soo daabacay madbacadda qaranka,“Annagu ma aanu odhan xukuumaddu heshiis ma geli karo, laakiin waxa la doonayaa in dariiqii saxda ahaa la mariyo, waxana meesha la keenay waraaq aan u malaynayo in madbacadda qaranka lagu soo qoray, xataa Af soomaali buu ahaa, haddiise uu heshiis ay inaga iyo Imaaraadku wada saxeexanahay noqon lahaa xaq bay noqon lahayd in loo ansixiyo ama loo diido”ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay inaanu saldhigaasi wax faa’iido ah u lahayn Somaliland, isaga oo cambaareeyey xadhiga loo geystay saxafi Maxamed Baashe Xaaji Xasan, waxana uu yidhi,“Aniga oo muwaadin ah oo guddoomiye xisbi ah oo musharrax madaxweyne ah uma arko inuu saldhigaas militeri faa’iido u leeyahay Somaliland, xaq baanan u leeyahay inaan aragtidayda caddeeyo, waxana aan qabaa inay sharci-darro tahay in qof muwaadin ah fikirkiisa loo xidho.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here